Akhristoow,Ha wada akhrin haddii aadan u bareeri Karin khatarta kugu soo socota adiga.Lacag ma Rabo-Q-4aad.

0
Sunday April 15, 2018 - 10:14:05 in Wararka by
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhristoow,Ha wada akhrin haddii aadan u bareeri Karin khatarta kugu soo socota adiga.Lacag ma Rabo-Q-4aad.

    Waa tii iigu khatarta badneed welina khatar ku ah aniga & adigaba. Waana mid ka mid ah 4 tii sabab ee loo dilay gabadhii Ilaria Alpi ee wariye talyaaniga aheeyd 20/3/ 1994. 1-intii aan la dilin Ilaria Alpi ,2 sanno ka hor ,waxaan si ogaal la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa tii iigu khatarta badneed welina khatar ku ah aniga & adigaba. Waana mid ka mid ah 4 tii sabab ee loo dilay gabadhii Ilaria Alpi ee wariye talyaaniga aheeyd 20/3/ 1994. 1-intii aan la dilin Ilaria Alpi ,2 sanno ka hor ,waxaan si ogaal la'aan ah wargeeys ugu qoray maqaal aan uga hadlayay Sunta somaliya lagu shubo,aniga oo aan dareemeyn khatarta intaa la ig in ay iiga imaan karto. sida dhalin yarada badankoodu ay yihiin,waxaan ahaa nin dhalin yar ah ,doob ah, firfircooni iyo xamaasad ku muujiya culeeyska u muuqda, maah maah ayaa ah: ( nin dhalin yar intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa).

2-waxaan qoray qoraal dheer oo aan uga hadlayo suntan ku jirta xeebta Berbera oo weliba qarshooyin lagu shubay ahna tan ugu qatarta badan in dhaqsi ay u jabaan, Tan lagu hoos aasay wadadda Garowe marta markii la dhisayay wadada, tan Labada shabeele, tan J/hoose iyo dhibaatada ay geeysteen.

3-Sannadkii 1993 waxaan tagay meel xamar u jirta 360km, waxaan dul istaagay Haamahii sunta,waxaan isku soo dul sawiray aniga oo feera qaawan, ma jirin sawirada casriga ah, waxaa soo qaaday 36 sawir binikol ah ,ma cadeyn isga oo sidiisii ah ayaan u diray Av. Ducaale. Ma u maleeyneyn in aan ahay qofkii ugu horeeyay ee somaliya ee arrintan fara gashada.

4-Baaritaankii aan ku sameeyay suntii somaliya lagu shubay waxaan u gudbiyay xafiiska UNEP ee deegaanka u xisaabsay UN ka xafiiskooda Nairobi oo markaa madax uu ka ahaa nin Ciraaqi ah,Talyaanigii ayaa dhax galay arrintaa waxaana la iigu soo jawaabay waxaa tahay nin shaqa doon ah oo been low ah,Talyaanigana neceb. ( talyaaniga iyo laba wadan oo kale kuma jiraan dowladaha saxiixay in aan sunta lagu aasin badaha iyo berriga aduunka, sidaa darteed cidii heeysa haraa warshadeed iyo suntu waxa ay keentaa Talyaaniga asaguna waxaa uu ku soo aasaa meelo ay somaliya ka mid tahay).

Mar kale ayaan si ogaal la’aan ah u sii waday dacwadii, ugu dambeeyn waxaa la soo diray khabiir caalamiya iyo nin somaliya oo ahaa nin wanaagsan oo wadan jaceyl iiga muuqday, magaciisa waxaan xasuustaa in uu ahaa Mr. Qayaad, waxa ay cadeeyeen in ay jirto suntaa, UNEPna ay aqoonsatay. waxaan iri maanta aayaan ka nasan karaa,haddii aan mar gaarsiiyay meel la aqoonsay ,oo haddii la i dilo ay ka sii waddi karaan dowladaha iyo jiilsha dambe ee somalidu.

5-Muddo kadib waxaan tagay magaalada Livorno ee dalka talyaaniga oo aheyd halka laga soo daabulu badanaa suntan lagu aaso somaliya,waxaan u tagay arrinta Xaashi, wallahi markaa maskaxdeyda kuma jirin, arrinta suntu kumana fekereyn, laakin waxaa la ii sheegay in laga shakiyay in aan daba socdo arrinta, dhaqdhaqaaq shaki iyo cabsi i galiyay ayaan dareemay intii aan deganaa Hotel Universal oo ku yiil Livorno oo Av. Ducaale uu kharajka iga bixinay.( fiiri sawirka 1aad).

6-intii aan Livorno u joogay arrinta Xaashi, maalin ayaa aniga iyo nin bolis ah waxaan wadanay baabuur yar oo bolisku leeyahay, dhushana uu ka saran yahay naal casaan ah, mar kaliya ayuu soo dajiyay naalkii casaa ,baabuurkiina xowli ayuu u waday, waxaan ku iri: maxaa dhacay?. waxa uu igu yiri: saldhiga noogu dhaw ayaan ka gaareynaa si aan u badbaadno, firri gadaal waxaa soo socday 10 nin oo wata mootooyin oo gacmahana ku wato silsilada waaweyn oo ay ruxayaan, saldhig ayaan dhax galnay 1 saac kadib ayuu igu celiyay Hotelkii, ma ogi in ay runtii aheed oo annaga ay noo socdeen iyo in uu igu cabsiinayay.

7-deg deg ayaa la iiga soo waday Livorno,waxaan imid magaalada Milaano ee isla talyaaniga, maalin ayaa la iga wacay meel la yiraa Questura , oo laga bixiyo sharciga loo yaqaan sujoorno ee lagu joogo, looguna safro talyaaniga. Sar weyn oo barri u jeed ah yaan la i geeyay,waxaa joogay dad aan ku qiyaasay 40 qof oo somaliya oo sharci sugayay,waxaan ka xasuustaa Fananadii Faduma Qaasim, waxa ay i weydiiyeen sujoorno miyaad dalbatay?. Waxaan ku iri: maya ee waa lagu sinaa ayaa la igu yiri. Waxa ay igu yiraahdeen annagaa halkaan ku lug go’nay,waqti yeeyna kaa dhumin.

Weli waxaan xasuustaa aniga oo la joogay 20 daqiiqo oo kaliya, waxaa timid naag Taliaaniya oo wadatay surwaal daba gab,waa ii yeertay, dabq kore ayaa la i geeyay, sawir ayaa la iga qaaday, nus saac kadib waxaa la ii keenay sujoornadii,waxaa la igu yiri halkaan saxiix in aad qaadatay, waan saxiixay, koobigii ayaan siiyay. isla markii hortooda ayaan qalin kale kula soo baxay oo aan istilaab mariyay warqadii gees ka gees. Waxa ay yiraahdeen: maxad u kansashay sharcigaaga, waxaan ku iri: dadkan banaanka jooga lama siin ,waxa aniga la ii siinayo waa laaluush in aan ka haro arrinta xaashi, ruuntii been kuu sheegimaayo waan ooyay, cabsi iyo ciil isku dar ah. waxa ay igu yiraahdeen keen dukumentiga, waxaan ku iri: mar hadaan saxiixay kan sharci ahaan angaa iska leh, in kasta oo aanan isticmaali Karin. Waana soo baxay, dadkii somalida ayaan hoos ugu imid waxa ay i weydiiyeen goormee soo noqo lagu yiri?. waxaan ku iri: waa la i siiyay sujoornadii, waxa ay yiraahdeen ma dhici karto, waan tusiyay iyada oo istilaab aan ku dul qoray, waana u sheegay saabta aan u diiday, weyna iigu garaabeen, waxa ay igu yiraahdeen indhahaaga ilin ayaa ka muuqata ma lagu tumay, waxaan iri: tumid maya ,in la i dilo ayaa suura gal ah, waxaana rabaa in aan somaliya dhaqsi ugu noqdo, khatar aanan maleey neeyn ayaan dareemay.( weli waan hayaa sujoornadii aan iska baabiyay ,si aan ugu xasuusta wixii maalintaa igu dhacay).

8-aan intaa kuugu soo koobo khatartii suntan iga soo gaartay, iyo sida aan ugu dhax dhacay khatartaa si ogaal la’aan ah, arrin ay ku lug leeyihiin dowlado, shirkado iyo shakhsiyaad ma naxa yaal ah oo wax kasta ay ka suuraabaan.

Walaal dalkan waxaa loo yaqan dalkii suntan " the Land of Poison”, bishaan April 2018 waxaa meel 25 Km u jirta magaalada Mogadishu ku soo caarisay Haan kale oo dadkii aqoonta u leh ay shaki ka muujiyeen.

ARRIMAHA KALE EE SUNT LA XIRIIRA:

A) Mr. pentito Francesco ayaa ku dacweyay kooxda Ndrangheta oo qayb ka ah Mafiyada Talyaniga, kuwaa oo uu mar xubin ka ahaa in la quusiyay badda 30 markab oo siday sunta radioactive sannadkii 2005 sida uu qoray jornaalka L’espresso taa oo keentay in baaritaankii dib loo bilaabo.NGO talyaani ah ayaa soo gudbiyay 1994 in 40 markab oo marayay badda Mediterranean-ka la waayay 20 kii sanno ee u dambeysay iyaga oo aan soo dirin SOS ,shaqaalihiina aan war laga heyn.( waxaa dhacday in maraakiib duq ah magac been ah la siiyo, ceymis la’aan kadibna la quusiyo,iyada oo suntan laga helayo faa’iida ka badan markabaa duqa ah ee howl gabka ah, shabakad isku xiran ayaa diyaarisa oo xataa dib looma baari karo) suntan qaar ayaa xataa Mafiyadu ku aasi jiren meela Talyaaniga ka mid ah intii aan somaliya lagu bilaabin sun ku aasidda, waxa ayna sababtay cudurka cancer-ka oo caruurta Talyaaniga madaxa uga dhacay. kadibna waa laga joojiyay Talyaaniga ,waxaa xigay in Madaxa ENEA uu siyaasiyiin iyo madaxda qabiiylada somalida lacag siiyay si loogu ogolaado in somalia lagu aaso 600 booyad oo sun radioactive ah lagana keenay Talyaaniga , Switzerland, France, Germany, iyo USA, intii u dhaxeysay 1980-1990 sida ku cad qoraala badan.

B) sanadkii 1997 NGO-ga Greenpeace, oo ka shaqeeya arrimaha deegaanka ayaa xaqiijiyay in shirkado ka kala socda wadamada Swiss iyo Talianigu ay dallaal ka yihiin suntan lagu shubayo Somalia. Sida uu qoray wargeyska Talyaaniga ee "Famiglia Cristiana” laga soo bilaabo 1980kii iyo in 35 Million Tan oo sun ah loo qaaday Somalia si loo helo 6.6 Billion Dollar iyo in weliba waqtigaa inta badan lagu aasay dhulka berriga ah.

C) kadinba UNDP ayaa hubisay in sun lagu shubo xeebaha Somalia ayna ka dhasheen cuduro xun xun sida cancer iyo in dhibaatadu ayan ku ekaaneyn somaliya oo kaliya laakin Bariga Afrika oo dhan ay saameyn doonto.

D) in ay sii socoto sun ku shubiddu wanaa mid ka mid ah sababaha loola dagaalamay burcad badeeda somaalda.

E- NGO Daryeel Bulsho Guud ayaa soo sahamiyay 15 container oo sun ah oo weli yiil 8 goobood oo ka mid ah xeebaha somaliya, kadibna iyaga oo la kaashanaya hayada DBG ee Jarmalka ayey caag ku dabooleen kuna aaseen xeebaha si looga ilaaliyo in ay deg deg u dilaacaan.

F) sannadkii 2008 ayaa mashruuc ay iska kaashanayen UN & World Bank ee Joint Needs Assessment (JNA) la soo jeediyay in 42.1 Million loo qorsheeyo in wax looga qabto deegaanka suntu saameysay laakin qorshahaaso ma hirgalin. intii ay dhihi lahaayeen hala joojiyo suntan aasideeda oo weli socota.

G) cudurada ka dhashay suntan Somalia lagu shubay, waxaa ka mid ahaa : ilma muuqaal qaab daran ku dhashay sida iyada oo xubnaha jirkooda ay maqanyihiin iyo cancer ,Dhakhtar ayaa yiri: Markii duufaantii Tsunami-gu dhacday oo sun badan ay soo saartay ,hal sanno gudahii waxaan la kulmay xaalada Cancer ah oo ka badan intii aan la kulmay nolosheeyda intii aan shaqeynayay.

H) NGO-ga EcoTerra oo xiriir fiican la leh somalida ayaa sheegay in arrintu ay gaartay meel aad u xun, weliba ay ogaadeen shirkadaha magacooda, laakin ay ka baqayaan wixii Ilaria Alpi ku dhacay.

I) wakiilkii UN ee somaliya Mr. Ahmedou Ould-Abdallah, waxa uu sheegay in weli ay socoto sun ku shubidda xeebaha somalia ,xafiiskiisu waa diiday in uu magacaabo shirkadaha , wey adagtahay in kuwaa cadaalada la hor keeno,loona cuskado xeerka 259/93 iyo 92/3/ ee Euratom, sabata oo ah way ay gubaan dhamaan waxa cadeeyna ah ee la raad raaci karo, laakin waxa uu ku soo koobay hala baaro.

FG: waxaan u mahad celinayaa Allihii iga badbaadiyay arrintaa oo aan baaritaankeeda ku bilaabay si ogaal la’aan ah, laakin kama qoomameynayo in aan arrintaa banaanka soo digay qayb ahaan, waxaa kale oo aan u mahad celinayaa intii isku howshay in arrintaa laga hortago caalamkana lagaarsiiyo oo ay ka mid ahaayeen ,Somali talk .com, Daryeel Bulsha Guud, Mr. Qayaad, UNEP, UNDP, Ururo iyo Shakhsiyaad fara badan oo Somali ah.

Iga sax wixii aan ku khaldamay, ku biiri wixii aad ka ogtahay,waa Howl weli noo taal in aan ka hortagno kuwa dalkeena sunta ku soo daabulaya.

Sawidada 2-13 waxa ay muujinayaan suntan lagu aasay dalkaaga hooyo iyo dhibatada ka dhalatay.

Akhristoow, Khatartu Adiga & Anigaba weli waa nagu wajahan tahay!!!.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip