Hordhac: Newcastle United Vs Arsenal: Gunners Oo Doonaysa Sii Wadashada Guulaha Kulamadoodii Ugu Dambeeyay

0
Sunday April 15, 2018 - 07:50:09 in Wararka by
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Newcastle United Vs Arsenal: Gunners Oo Doonaysa Sii Wadashada Guulaha Kulamadoodii Ugu Dambeeyay

    Kooxda Arsenal ayaa u safri doonta kooxda Newcastle kulan ka tirsan horyaalka premier League toodbaadkiisii 34 kulan ka dhici doona St. James' Park.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Arsenal ayaa u safri doonta kooxda Newcastle kulan ka tirsan horyaalka premier League toodbaadkiisii 34 kulan ka dhici doona St. James' Park.




Tababaraha Newcastle United Rafael Benitez ayaa heysta koox buuxda oo taam ah halka ay kooxda Arsenal waayi doonto xiddiga khadka dhexe ee Henrikh Mkhitaryan.

Kulanka: Newcastle United Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30 Galabnimo

Garoonka: St. James’ Park,

 

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay 10kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Newcastle United, waxaana ay haatan Bar-barayn kartaa rikoorkeedii ugu guulaha dheeraa iyaga oo city ka badiyay 11 kulan oo xiriir ah sanadkii 1994 ilaa 2004.

 

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa goolal dhaliyey afartiisii ​​kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka PL. Ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee shan gool oo isku xigta u dhaliya Arsenal ayaa ahaa Olivier Giroud.

Newcastle United ayaa celcelis ahaan heshay 1.73 dhibcood kulan kasta tan ilaa bilowgii sanadka 2018 marka la barbar dhigo 0.9 dhibcood oo ay heshay intii u dhexaysay bilowga xilli ciyaareedka iyo 31ka December waana dhibcaha ugu fiican ee ay koox ka hesho horyaalka premier League.

Magpies ayaa gaari karta guusheedii 4-aad oo xiriir ah horyaalka premier League markii ugu horaysay tan iyo markii ay ku guuleysteen shan jeer oo isku xigta bishii November 2014.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip