Lacag Ma Rabo.!!!. Arinta Xaashi Cumar Xasan Arrima badan oo sir ah oo laga yaabo in aadan ogeyn.

1
Thursday April 05, 2018 - 23:44:36 in Wararka by
  • Visits: 985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacag Ma Rabo.!!!. Arinta Xaashi Cumar Xasan Arrima badan oo sir ah oo laga yaabo in aadan ogeyn.

    Qybtii 1aad:Arrinta Xaashi Cumar Xassan oo aan ku dhax jiray muddo 20 sanno ah,waa dhacdo laga qori karo, Buugaag badan haddii la soo tixraaco cadeymaha aan hayo iyo wixii aan goob joog u ahaa, aan kuu soo koobo qaar ka mid ah arrima badan oo sir aha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qybtii 1aad:Arrinta Xaashi Cumar Xassan oo aan ku dhax jiray muddo 20 sanno ah,waa dhacdo laga qori karo, Buugaag badan haddii la soo tixraaco cadeymaha aan hayo iyo wixii aan goob joog u ahaa, aan kuu soo koobo qaar ka mid ah arrima badan oo sir ahaa oo laga yaabo in aadan ogeyn.

Qoraalku hadduu kugu dheeraado,ka faa’iid Aqoon kooban.

1-Xaashi waxa uu ka mid ahaa,dhowr qof oo Somali ah oo aan Talyaaniga isku raacnay,si ay u cadeystaan dhibaatadii ay u geysteen ciidamadii Talyaaniga ee ka howl galayay Somalia UNISOM, taa badalkeedii Talyaanigu waa xireen.

2-Av. Hassan Ducaale kahiye ayaan isku dhaarsanay in aanan isaga bixin arrinta Xashi, markii asaga laftiisa culeys la saaray.waa Qareenka kaliya ee somali ah aadna looga yaqaan Talyaaniga, dad badan oo Somali ahna maxkamado ku yaal Talyaaniga & wadama kale oo reer yurub ah ka difaacay, waana nin Go’aan leh oo geesinimo iyo isku kalsooniyo ka muuqato aqoonna u leh xirfadiisa Qareen nimo.( fiiri sawirka 3aad)

3- Maalintii la xiray Xaashi aniga iyo Av. Ducaale waxaan ku maqneeyn magaalada Torino oo aan dacwa u aadnay, markii aan Rome ku soo noqday aniga iyo kooxdii ila socotay 7 maalin ayaan cuntada ka soonay.kadibna waxaan la kulmay madaxda Talyaaniga qaar, waqtigaa oo aan ahaa qof dhalin yar oo howsha u firfircoon ( fiiri sawirada ,4, 5 & 7aad)

4-Handadaad Dil ah ayaa la igu handady 2 mar, niman Talyaani ah oo aanan aqoon halka ay ka socdaan oo iigu yimid Rome dhaxdeeda, waxaa la igu yiri,xatta Xamar waan kugu dili karnaa soow ma ogid. Marna dhalin yaro ay Xaashi qaraaba yihiin ayaa lagu yiri: Ninkan yaxya ahi wiilkiin ayuu Talyaani ka gatay ee Dila,waxaa soo dirayay kuwa Somali ah oo rabay in Xaashi dambi lagu helo, lana waayo cid gudaha ka sii wado difaacidiisa.

5-Nin Talyaaniya aya galab ii yimid waxa uu ii dhiibay baqshad aad u weyn oo midabka kaakiga leh, waxa uu igu yiri waxaa ku jira 80.000$ qaado una sheeg wariyayaasha banaanka jooga in aad ka baxday dacwadan, waan diiday, waxa la igu yiri: sheego aduunka halkii aad rabto ayaan kuu sii direynaa,iska bax, waxaan ku iri: somaliya ayaan rabaa, waxa uu igu yiri: dacwadan galkeeda waa in aan ku soo xirnaa qof Somali ah haddii kale annaga ayeey dib nagu soo noqonee, xataa qof iska socdo oo qaxooti somaliya ah waan ku soo xiri karnaa galka,laakin hadda xaashi ayaan heysanaa, waxaan ku iri: waad khaldan tahay Xaashi aniga iyo Qaren Ducaale ayaa ka dambeyna, waxa uu yiri: Saaxiiba idinka weyn ayaan somaliya ku leenahay, waana ii sheegi diiday halka uu ka socdo iyo cidda ii soo dirtay , kadibna waxaa la ii soo tarxiilay Dubai waxaa Airporka igu sugay nin ka socdo safaaradaTalyaniga ee ku tiil Dubai, waxa uu idajiyay Hotel, waxaa la i geeyay subaxii kale safaardda Talyaaniga ,waxaana la i weeydiiyay in aan iska bedelay fekerkii oo aan Talyaaniga ku noqonayo,waan diiday 10 cisho kadib ayaa la ii soo tarxiilay Xamar.

6- Gen. Axmed Jilacow iyo Gen. Gaafow ayaa Talyaanigu u yeeray si arrintaan wax looga weydiiyo, dad badan ayaa cabsi na galiyay annaguna waxaan ku tuhmeynay in ay Talyaaniga xiriir la leeyihiin, Laakin markii naloo soo gudbiyay qoraalkii laga qoray waxaan aragnay in ay aad noo difaaceen, oo weliba ay Xaashi garab siiyeen.Labadaa Janaraal gacan ayey na siiyeen, waxaase jiray Rag iyo Dumar Somali ah oo dhib weyn noo geystay.waxaa kale oo la hadal hayaa in ay jireen markhaatiyaal naga soo hor jeeday oo lid nagu ahaa oo la dilay, markii laga gaaray dantii laga lahaa.

7- Arrintan xaashi darted 3 mar ayaa la iiga wacay Talyaaniga laba mar waxa ay aheed bil Ramalaan oo aan soonaa, mar waxaa i wacay Barlamaanka Talyaaniga ,waxana ayna wareysi igula yeesheen baarlamaanka dhaxdiisa 8 saac oo xiriir ah oo weliba habeen aheed saxuur la’aan ayaana soomay maalintii xigtay,madaxii gudiga ayaa ka xanaaqay mowqifkeeyga waxaan xasuustaa in uu igu yiri: ((Yahya Siamo Italiani ,pero’ non siamo fessi)). Talyaani waan nahay laakin dabaalo ma nihin, wuxuu yiri: maxaad ku diiday in aad Talyaaniga ku hadasho oo aad turjubaan u dalbatay waadba taqaane, waxaan ku iri: inta la’ii tarjumayo ayaan jawaabta ka fekerayaa, waxa uu yiri: iska bax. Dhow jeer ayaan Xashi ugu tagay xabsiga una balan qaaday haddii aan noolahay in aanan ka hareyn arrintiisa.


Dhowr jeer ayaa Rome ku wareeray markaan daalo darbida ayaan iska fadhiisan jiray markaan uma fir fircooneeyn sidii hore oo da’ iyo tabar yaro ayaa timid (fiiri sawirada 8 ,…..13aad)

8-Waalidiinta & wallaalaha Xaashi oo aan Xamar deris ku aheeyn ,mar kasta waan iska war qabi jirnay, isna caawin jirnay.

9-Amb. G.Cassini oo ahaa Safiirkii Talyaaniga Xamar u joogi jiray, ayaa Gurigiisa igu wacay, handaad iyo in uu telefonka igula xiriiriyo siyaasiyiin Xamar joogay oo ay saaxiiba yihiin, kuwaa oo igu yiri: yaxye arrintaan ka bax, naftaada khatar ha galin, hana xumeyn xiriirka wanaagsan ee Talyaaniga iyo somaliya ka dhexeeyo.waana diiday,waxeyna igu yiraahdeen : waxaad tahay dabaal aanan aqoon dantiisa. Waxaan ku iri: ka waran haddii Xaashi badalkiisa adiga ama wiilkaagu aad ku jiri laheyden Xabsigan.

10-Nin somaliya ayaa igu yiri: Rag odayaal ah ayaa iga codsaday in aan Av.Ducaale u dirno lacag dhan 70.000$ si uu dacwada ku sii wado, ragii waa ka baxeen ballantii, anniga iga qaad 50.000$ una dir Ducaale, isla markii uu ii dhiibay waxaan u yeeray Xaashi Hooyadii Madiino,waa ay iigu timid via Roma Mogadishu, waxaan tagnay xawaaladda Dahabshiil lacagtii oo dhanna waan diray,sadax koobi ayaan ka sameeyay warqadii diritaanka mid waxaan u diray, Duaale iyo 2 dii qareen ee Talyaaniga ahaa, mid waxaan siiyay Xashi hooyadii, midna waxaan u geeyay ninkii lacata ku tabarucay, galabtii waxaa is oo wacay odayaal ay Xaashi qaraaba yihiin, waxa ay igu yiraahdeen maxaad lacagtaa u wada dirtay, angaa Ninkaa ka codsanay waxaa ay aheyd in aad 20.000$ odayaasha u reebto, waxaan u sheegay in aniga iyo Hooya Mandiino aanan heeysan xata wax aan Guryaheena ku biilano. Ninkaa lacagta noogu deeqay waxa uu ahaa Qofkii 2aad ee intii Dacwadu socotay lacag tabaruca noogu deeqay, waxaa jiray Nin kale oo intaa ka badan mar noogu deeqay.

11-Aabahey Alla ha u naxariistee mar kasta culumo ayuu u yeeri jiray waxa uuna dhihi jiray ,yaxye arrin ayaa murug ku heysa ee iigu Duceeya in ALLA u fududeeyo.

12-Sida ku cad Buuga weyn ee dowlada Talyaanigu soo saartay ee ka hadlayo arrinta xaashi. Laba sanno oo xiriir ah ayaa la dhageeysanay telefon kasta ee aan Talyaaniga u diro, shakigaana waan qabay oo buuga ayeyba ku qoran tahay yaxye waxa uu ka shakiyay in aan 2 dan sanno dhageeysaneynay .

13-Boliska Milano ayaa igu yiri: ka bax magaaladan ee Rome aad, ma ballan qaadi karno Amaan kaaga.

14-waxa la igu yiri: 200 km meel u jirta Rome, ayaad baabuur u raacee si aad xaashi u difaacdo oo aad maxkamada u tagto, soow ka baqi meysid in jidka laguu galo oo cadeymaha lagaa qaato, waxaan iri: taa horaan ugu fekeray oo cadeymihii maba wado waana iga sii horeeyaan ,markaan tago maxkamada ayaa la i siinayaa.

15- qoyska Gabadhii Talyaaniga aheyd ee la dilay Ilria Alpi iyo qareenkooda ayaa aad noola jiray oo mar kasta lahaa Xaashi gabadheena ma dilin, waxaana nagu filan cadeeymaha aan heysano iyo kuwa yaxye Xamar ka keenay.(fiiri Sawirka 14aad)

16-waxaa gacan i siiyay Sh. Ali Shutz oo ahaa nin Talyaniya oo islaamay iyo xaaskiisa Shukri oo intii aan Milano joogay iigu deeqay Hotel kooda in aan lacag la’aan ku jiifto, wixii kharaj kale ahna iga bixinayay iina sameeyay Xiriira badan. ( fiiri sawirka 15aad).

17-waxanan Hilmaami Karin Col. Kabiiro oo ahaa Ciidankii Badda ee Somalia oo Rome iigu yimid,oo mudo hal bil ah aan gurigiisii dib ugu noqon xatta iskama bedelin jaakadii Midabka jaalaha ah leheed ee uu watay. ( fiiri Sawirka 16aad) waxaa kale oo jiray dad badan oo arrinta Xaashi gacan naga siiyay sida: Prof: Nur Cali Gacal ,Av. Ilyas Xaji Maxamud AUN, Faaduma Qoorweyne, Rag iyo Dumar badan oo Somali ah oo dibada iyo Gudahaba gacan nagu siiyay banaanbaxyo, Qoraalo, Xog raadin iyo dad kale oo aanan halkaan magacyadooda ku soo koobi karin.

18-Mar Xaashi waxaa la yiri dambi male waa xur waana la sii daayay, mar dambe ayaa loo yeeray oo haddana la yiri waa dambiile oo xabsi daa’in lagu xakumay, mar kalena 26 sano. Dhowr jeer ayaa nala Niyad jabiyay.

19-waxaa kale oo aan u mahad celinaya Md. Muse Xabad tafad oo labadii sanno oo u dambeeysay nagu soo biiray ,oo qabtay shaqa muhim ah oo la’aanteedba ay adkaan leheyd in si fudud loo guuleysto.

20-Av.Ducaale iyo Xaashi oo wada jooga ayaan markii Dacwadii dhamaatay ee aan bilabeynay qaybtii labaad ee aheyd in xaqiisii la raadiyo waxaan ku shirnay xafiiska Ducaale ee Rome,waxaana ku iri: ogaada haddaba lacagtaa xaqqa ah waa la helayaa ,laakin waxaan hadda hortiina ka cadeynayaa in aanan rabin in anniga wax la iga siiyo, waxa ay yiraahdeen waxaad tahay qofka 19 Sanno shaqada ugu badan qabtay oo Naftisa khatar galiyay, waxaan iri: mar hore ayaan taa go’aan saday igamana ah baar laxawsi,lacag ma rabo, waxaan rabaa in la ogaado in howl kasta oo qof qabto aan loo qaban lacag ku hel, Guushii aan rabayna waa la gaaray haddiba Xaashi oo xur ah uu nala joogo, naxtintii xabsi daa’imkuna na deysay.

21-Shalay markii lacagta lagu dhawaaqay, in la siinayo 3.181.000 Euro, Ducaale iyo Xaashi ayaa iga soo wacay Talyaaniga, waxaana u sheegay inaanan lacag rabin,in kasta oo aanan hadda shaqeyn, xoolana ayna meel ii aalin haddana, go’aankaa ka noqon maayo.

22-Illaa xalay dad badan ayaa i soo wacayay 5% waxa ay iigu hambalyeynayeen, guusha in xaqiisii uu helay Xasshi, laakin 95% waxa ay i lahaayeen lacag ayad hesheen ee wax naga sii. Waxaan u sheegay Go’aankaa iyo in aanan ka noqoneyn,howl kastana looma qabto lacag ku hel, waxaa farxad iigu filay in xaashi uu xur yahay,laakin in uu lacag helay wax weyn uma arko.

23- U duceeya Xaashi Hooyadii Marwo Madiino oo u adkeeysatay xanuun ka badan kii aniga , Ducaale iyo intii arrintan u damqatayba na soo maray.( fiiri Sawirka 17aad)

FG: Arragtidaada xor ayaad u tahay, ka raali noqon waan kugu dheereeyay qoraalka, Sir aanan weli sheegina waa jirtaa.

Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip