MADAXWEYNE FARMAAJO HOGAAMIYE RASMI AH.

0
Thursday April 05, 2018 - 23:17:24 in Wararka by
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE FARMAAJO HOGAAMIYE RASMI AH.

    Hogaamin (leadership) waa muhiim in laga hadlo madaama dal walba oo dunida jiraahi Hogaan u baahan yahay , waxaana ku xadfan oo ku lamaanan Hogaamiye, marka Islaamka laga hadlayo sideedaba waxaa Hogaaminta aasaas u ah sedax shey. 1- Shuuraa oo ah Wad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamin (leadership) waa muhiim in laga hadlo madaama dal walba oo dunida jiraahi Hogaan u baahan yahay , waxaana ku xadfan oo ku lamaanan Hogaamiye, marka Islaamka laga hadlayo sideedaba waxaa Hogaaminta aasaas u ah sedax shey. 1- Shuuraa oo ah Wadatashi. 2- Cadaalad iyo 3- Xoriyatul Qowl ama Afkaar xor ah in kastoo aaney caalamka ka jirin Afkaar aan xad laheyn.




Hogaamin in laga hadlo waa lagu kala aragti duwan yahay. Markaan soo xooriyo, dadka qaar waxay qabaan in loo dhasho Hogaamiyinta ee aaney aheyn wax la barto. kuwo kalena waxay qabaan in la barto oo aan loo dhalan Hogaaminta. si kastaba labada aragtiba waa kuwo la qaatay in loo dhasho iyo in la barto.

Caddaaladda iyo xoriyatul qoylka waxaa tuslaale loo soo qaataa. Hadalkii dhex maray Madaxweynihii Islaamka Cumar Bin Khidaab iyo mid ka mid ah Saxaaba Rasuulilaah. Isagoo ku guda jira Khudbadii Jimaha Cumar Bin Khidaab ayaa waxaa ka dhex galay mid ka mid ah Saaxabadii waxa uuna yiri. "Cumaroow sidee wax kaaga dhegeysanaa adigoo laba go’ wata inaguna aan wadano min hal go’” Cumar waa uu yaabay. Waxa uuna ninkii intaa ku daray.

"Xagee Amiiroow ka keentay go’ saa’id ah ee aad wadato sababtoo ah shalay waxaan nala wada siiyey min hal go’” Cumar markaas ayuu fahmey ujeedka ninka. Waxa uuna amray inuu la hadlo ninka su’aasha weydiiyey wiilkiisa Saxaabigii weynaa ee Cabdullaahi Cumar Bin khidaab, waxa uuna  yiri  "go’ saa’idka ah anigaa Aabahey siiyey oo waa ii jeedaa maanta anigu go’ ma wato”. Markas ayuu qancay ninkii saxaabiga ahaa, waxa uuna yiri. "Amiirul muuminiin Hadaan raali kaa ahay ee khudbadda noo sii wad”.

Waxyaabaha  Hogaamintu ka kooban.tahay. (Elements of Leadership)

Markaan u nimaadno Waxyabaha  Hogaamintu ka kooban tahay waxaa muhiim ah in la helo 1- Hogaamiye.(Leader) 2- dadkii la hogamnin lahaa. (Flowers) 3- Xaaladda lagu shaqeynayo oo la wajahayo. (Situation).

Xiligan Caalamka in Hogaamiye la helo dhibaato badani kama taagna waa doorasho uun oo awoodii Milatari waxay u eg tahay iney dhamaatay, dadkana waa caadi oo waa Malyaan, waxay dhibaatadu mar walba ka taagan tahay sidii Hogaamiyuhu u waji lahaa xaaladda markaas taagan. Hogaamiyaasha qaar  Aduunka waxay ku soo adaan xili barwaaqo oo nabad ah oo Hogaamiyahaas dhibaato badan wajihi maayo.

Waxaa jira xiliyo adag oo dhibaato badani jitro Hogaamiyihii ku soo aada ayaana wajaha dhibaatooyin badan hadii uu ka dabaasho oo uu xaliyo  waa Hogaamiye buuxa oo rasmi ah, haddii uu ka bixi waayana waa Hogaamiye fashilma.

Soomaliya markaan u soo daadego Madaweyne Farmaajo waxa uu ku soo aadey xiili adag oo ay dhibaatooyin badani ka jiraan dalka waxaana ugu daran dhinaca Amaanka.  dhibaatadii ugu darneyd ee Farmaajo la tebo si loo ogaado Hogaamintiisa waxay aheyd  markii Baarlamaankii is qabtay oo uu laba dhinac noqday, Qolo Mooshin wadata oo ku kacsan Gudoomiye Jawaari iyo Qolo difaaceysa oo Xukuumadda ku eedeeyey iney Mooshinkan wado si ay uga baaqsato in lala xisaabtamo.

Dhowr iyo toban maalmood ayey xaaladdaasi taagneed oo Madaxweynugu aamusnaa qof walba waxa uu lahaa maxaa ku dhacay Madaxweyniha Soomaaliya, laakiin Maalintii la is balansaday in gacanta la isula tago oo la ogaadey in aan caqli iyo cilmi kala celineyn xildhibaanada oo Idaacadaha hanjabaado la isu mariyey  ayaa waxaa hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uuna dhincyadii is hayey ku qanciyey iney baajiyaan kulankii Baarlamaanka oo si hoose loo wada hadlo, tasoo Xaaladdii kacsaneyd weji kale u rogtey.

Si kastaba Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya inkastoo dadka qaar dhaliilaan hadana waa uu ka dabaashay Xiisaddii taagneyd  oo xaliyey Xaaladdii qalafsaneed ee kacsaneyd ee  Baarlamanka dhex tiiley waana midda ka dhigeysa Maanta inuu yahay Hogaamiye buuxa oo rasmi ah oo weli la jecel yahay

.

Waxaa Qoray: Cabdinaasir Xersi iidle.

Mail. naasirx1@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip