Gerrard Pique Oo Maalinba Cid Ku Dhegan, Markaana Waxa Uu Jawaab Maldahan Siiyay Estaban Granero.

0
Monday December 21, 2015 - 12:16:54 in Sports News by
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gerrard Pique Oo Maalinba Cid Ku Dhegan, Markaana Waxa Uu Jawaab Maldahan Siiyay Estaban Granero.

    Ka dib markii uu Barca kula guuleystay Club World Cup oo ay hanteen koobkoodii shanaad ee 2015, daafaca dhexe ee Barcelona ayaa Twitter ku soo qoray fariin ku socotay xiddigii hore ee Real Madrid, kaasoo mar sii horeysay fariin talo ah siiyay Pique m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib markii uu Barca kula guuleystay Club World Cup oo ay hanteen koobkoodii shanaad ee 2015, daafaca dhexe ee Barcelona ayaa Twitter ku soo qoray fariin ku socotay xiddigii hore ee Real Madrid, kaasoo mar sii horeysay fariin talo ah siiyay Pique markii ay isku dhaceen Arbeloa.

Xiddiga khadka dhexe ee Real Sociedad Granero ayaa waqtigaas u sheegay Pique inuu ‘ixtiraamo dadka ka waa weyn’ isagoo kala jeeday hadalkii uu Pique ku sheegay in Arbeloa uusan aheyn saaxiibkiis balse uu yahay qof uu bar garanayo.

Ka dib markii Barca ay hanatay koobka kooxaha adduunka, Pique ayaa bogiisa Twitter soo dhigay sawiro yaryar oo koobab ah waxaana uu ugu danbeyn raaciyay hal ku dhiga #paramissuperiores (waxaan u hibeeyay dadka iga waa weyn)

pique-1450628730336


Gerard Pique ayaa fariin gaar ah u hayayEsteban Granero, laakiin waxa uu kaliya sugayay waqtigii ku hobooneyd ee uu u diri lahaa.

Waxaana ay tani muujineysaa in Pique uu yahay qof aan ilaawin hadalada loo sheego, waxaana uu had iyo jeer dhaleeceyn badan kala kulmaa saxaafada Spain waxaana taasi u sii dheer in lagu ooriyo mar walba oo uu xulka Spain u ciyaarayo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip