Maxaa berri laga filan karaa Baarlamanka maxaase la gudboon madaxweyne Farmaajo?

0
Friday March 30, 2018 - 20:12:00 in Wararka by
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa berri laga filan karaa Baarlamanka maxaase la gudboon madaxweyne Farmaajo?

    Xildhibaano labo u kala jaban ayaa bari laga yaabaa iney ku kulmaan guriga Golaha Shacabka ee Muqdisho , walaac xoogan ayey arrintaan ka muujinayaan shacabka Soomaalidu meel walba oo ay joogaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano labo u kala jaban ayaa bari laga yaabaa iney ku kulmaan guriga Golaha Shacabka ee Muqdisho , walaac xoogan ayey arrintaan ka muujinayaan shacabka Soomaalidu meel walba oo ay joogaan.

Labo garab iyo labo Ajande

Jawaari iyo kooxdiisu waxey sheegeen inuu mooshinkii jabay iyagoo u sababeeyay inuu dhaafay waqtigii la hor keeni lahaa golaha sida uu xeer hoosaadku dhigaayo, waxey isku balansadeen bari iyo xarunta Golaha Shacabka. Ajandaha kulanka waxey ku sheegeen muranka ka taagan xadka Baledxaawo iyo Mandheera.

Garabka xukuumada taageersan oo isticmaalaya gudoomiye kuxigeenka koowaad C/wali Muudeey ayaa iyaguna ku jawaabay inuusan mooshinkii dhicisoobin oo uu sidisii yahay, waxey ku balameen bari iyo xarunta Baarlamanka. Ajandaha kulankooda waxey ku sheegeen mooshinkii laga keenay gudoomiye Jawaari.

Berri maxaa dhici kara ?

Dadka qaar ayaa qaba in bari ay noqon karto maalin fowdo, waxaa laga cabsi qabaa in la isku qabsado cida kulanka hageysa Jawaari iyo Muudey, xildhibaanada ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa iney gacanta isula tagaan.

Labo xildhibaan oo aan maanta la hadlay oo labada garab kala raacsan wuxuu mid walba ii sheegay inuu bari tagayo Baarlamanka uuna difaacayo Ajandihiisa, waxey iila muuqdeen niman aan ka waaban doonin xitaa hadii ay bahashu gacan ka hadal gaarto.

Ciidan ka amar qaata xukuumada ayaa dhowaan la wareegay xarunta Golaha Shacabka, ciidankii horey u joogay waxey ahaayeen kuwa ku shaqeeya amarka gudoonka Golaha Shacabka.

Waxaa la filan karaa in ciidankaas qaaska ah ee xarunta la wareegay, ineyn isku dayaan in awood loo isticmaalo Jawaari iyo xildhibaanada taageersan, taas oo aan la ogeyn cawaaqibka ka dhalan kara.

Waxaa kaloo dhici karta xil ka qaadis fowdo ah iyo dhaqamo niyad jabin kara dadka raba horey u socodka Dowladnimada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ceeb ayaa dushiisa ahaan doonta hadii ay xildhibaanadu gacanta isula taagan isagoo aan xitaa maalin qura ka hadal khilaafka ragaadiyay habsami u socodkii howlaha Dowladda.

Hogaamiyaha Soomaalidu wuxuu horey u sheegay inuu ahaan doono Nabadoon Qaran, laakiin is weydii waxa howshaan ka muhiimsan ee uu madaxweyne Farmaajo ka nabadooni doono.

Madaxweyne Farmaajo waxaa la gudboon inuu ka shaqeeyo inuusan bari qabsoomin fadhiga labada waji leh ee Baarlamanka, si loo bad baadiyo sharafka Dowladnimada iyo in laga fogaado fowdo iyo fadeexad.

Sida ay wax ku socdaan ma jiro nin shaatigiisu nadiif ahaan doono Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari, waxaa muuqata ilaa hada midkoodna inuusan diyaar u aheyn in danta guud loo tanaasulo.

Beesha Caalamka ayaa laga yaabaa iney aaqirkii arrinta soo fara galiso oo ay go’aan qaadato taas oo sadexda ninba miisaankooda siyaasadeed hoos u dhigi doonta.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip