Falanqeyn Maanta: Ma waxaad Leedahay Raysal wasaare khayre wax maqaban?

0
Wednesday March 28, 2018 - 22:29:24 in Wararka by
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeyn Maanta: Ma waxaad Leedahay Raysal wasaare khayre wax maqaban?

    Wax qabadka Dawlada Raysal wasaare khayre Waxay ku amaanen yihiin Mashruucan soo celinta dhalin yarada soomaaliyeed ee ku dhibaateysan wadanka libiya. Masiibooyinka ku habsaday dalkeena waxaa qayb weyn ka ah tahribka oo sababa dhimashada Kumaankun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax qabadka Dawlada Raysal wasaare khayre Waxay ku amaanen yihiin Mashruucan soo celinta dhalin yarada soomaaliyeed ee ku dhibaateysan wadanka libiya. Masiibooyinka ku habsaday dalkeena waxaa qayb weyn ka ah tahribka oo sababa dhimashada Kumaankun oo qof, oo ku la'ata saxaraha iyo badda Libiya haddana qof walba oo ka mida bulashada Soomaaliyeed oo ku nool wadankeena hooyo waxa uu ku haminayaa inu tahriibo oo uu maro wadaadii dadkii ka horeeyey mareen.

Tahriibku waa halaag daran oo ku reeba naxdin iyo walbahaar waalidiinta iyo ehelada dadka ku geeriyooda tahriibka.

Mashruucan wuxuu joojinayaa dhalin yaradii naftooda haligi jiray ee wadadaa dheer ee loo yaqaan The Dead Road ( DARIQA DHIMASHADA)ee u dhaxeysa Sudan iyo Libiya waxa yaala silic iyo rafaad badan.

Dhulku waa bacaad ay ka dhacdo dabayl aad uu badan hadana dhulka waxa yaala lafaha tahriibayaalkii horay usoo maray waxa intaa dheer burcad ku jirta wadada oo dadka qafaalanaya oo magacooda dadku uu yaqaanin (MA GAFE) kuwaaso dadka u haysanaya madaxfurasho haddii lagaa waayona habeen iyo maalin laa garaacayo haddana dadka badankiisa ma arkaan halaagaas ku dhacay dadkii ka horeeyey, waxaad moodaa iney ka dhaga la’a yihiin.

Waxaa wanaagsen inaad guulaha dawladnimo markay yihiin wax. La taaman karo aan tilmano


Si dadku u ogaadaan in wax wanaagsen la sameeyey. arinka soo celinta dhalin yarada ku xayiran libiya wuxuu astaan u yahay inaan taageerno habka dawladnimo ee hada bilowday.

Soomaaliya waxa ay maraysaa marxalad muhiim ah oo ay dib uga soo kabanayso qalalaaso iyo burbur baahsan oo qaatay ku dhawaad 28 sano, waxana jirta yididiilo iyo rajo weyn oo laga qabo in dalku uu dib lugihiisa isugu taago.

Arinka ayaa tusaale wanaagsen u ah shacabka soomaaliyeed. Ma doonayno inaan Qof ku amaano shaqada uu u dhaaray mana dooneyno inaa Qofka aan xil u dhiibanay shaqadiisa ku qabsano.

Sida aan wada ognahay waxaa gaabis iyo khilaaf weyn ka jiraa Golayaasha baarlamaanka heer federaal ama heer Dawlad Gobaleed arinkaa waa in shacabka soomaaliyeed

ogaadaa inay tahay dhibaatada weyn ku tahay soo celinta adeeg yada bulshada loo qaban lahaa. Waxay Rajaynayaa inay xildhibaanadu ogaan doonaan shaqada laga sugayo.

Markasta Raysal wasaare khayre wuxuu haystaa waqtiga kooban iyo madaxweynihiisa Farmaajo waa in waqigaa lagu cabiraa maxay wax wanaagsen sameeyey oo la taaban karo.

Dawladkadta oo aduunka ka jirta waxay qabataa shaqo guul ah iyo shaqo guul daro ah laakiin waxa ay noqonayaan kuwo wax laga barto,

Aniga Falanqayn tayda waxaan Farta ku fiiqayaa. Dawlada Faderaalku waxay muujisay inay u istaagtay badbaadinta dhalin yarada soomaaliyeed oo caalamka ku dhibaataysan

Mucaarad iyo muxaafad danta guud ee bad baadinta dalka iyo dadka waa wax masuuliyadiisu saaran tahay Qofkasta oo soomaaliya ah

Hadaba waxaan Falanqeyn tayda ku soo gaba gabeynayaa waxa haboon in shacabka soomaaliyeed hiil iyo hooba la garab istaago
ilaalinta sharciga iyo taageetida dib u heshiisiin Qaran taageerida Nabada iyo horumarka wadanka.

Danjire Maxamed Caalim.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip