Wasiirka Maaliyadda oo amray in Canshuurta Bariga laga qaado Ganacsatada

0
Thursday March 22, 2018 - 23:36:54 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda oo amray in Canshuurta Bariga laga qaado Ganacsatada

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho kedis ah ku tagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho kedis ah ku tagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ay la socdeen xubno ka tirsan Garoonka Diyaaradaha iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa kormeer ku sameeyay qeybo badan oo ka tirsan Garoonka, wuxuuna ujeedkiisa uu ahaa howlaha Garoonka sida ay u socdaan iyo arrimaha Canshuuraha.

Dr. C/raxmaan Ducaalle BayleWasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gudaha Garoonka kula kulmayciidanka canshuuraha iyo waaxda canshuuraha bariga, wuxuuna ku amray in ay qaadaan lacagaha Canshuuraha bariga.

"Maanta waxaan booqosho ku tegay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaan halkaa kula kulemay ciidanka canshuuraha iyo waaxda canshuuraha bariga, Waxaana waajib in la bixiyo canshuuraha, Ganacsatada iyo heydaha waa in ay bixiyaan Canshuurta ku waajib ka ah.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Bayle ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay bixiyaan lacagaha Canshuurta, si dalka wax badan oo dib u dhiskiisa ay ka mid tahay loogu qabto.

Hanaanka Maamulka Maaliyadda dalka ayaa soo hagaagaya, balse waxaa jirta isbarbar yaac ku aadan hanaanka qaadista canshuurta Gobolka Banaadir iyo mida ay qaado Wasaaradda Maaliyadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip