Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka oo farriin u diray Xildhibaanada fasaxa ku maqan

0
Wednesday March 21, 2018 - 19:19:30 in Wararka by
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka oo farriin u diray Xildhibaanada fasaxa ku maqan

    Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ugu baaqay Xildhibaanada fasaxa ku maqan in sida ugu dhaqsiyaha badan u yimaadaan, si ay u gutaan waajibaadkooda. Shir jaraa'id oo uu xafiiska ku qabtay ayuu sheegay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ugu baaqay Xildhibaanada fasaxa ku maqan in sida ugu dhaqsiyaha badan u yimaadaan, si ay u gutaan waajibaadkooda. Shir jaraa'id oo uu xafiiska ku qabtay ayuu sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka uu fasax ka qaaday qof kasta oo fasax lahaa, isla markaana looga baahan yahay Xildhibaanada maqan inay degdeg u soo galaan Muqdisho.

"Waxaan u yeerayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee maqan, meel fog ama meel dhow ha jiraan inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo galaan, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga, qof kasta oo fasax lahaa waxaa ka qaaday fasixii uu lahaa, anigoo ah Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka”ayuu yiri Guddoomiye C/wali Muudey.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay fikir ku kala duwanaan karaan, hase ahaatee loo baahan yahay inay ilaaliyaan Hey’adda Golaha shacabka sida uu yiri.

Shirka jaraa’id ee Guddoomiye Muudey ayaa ahaa mid kooban oo uu ku diiday in wax su’aalo ah la weydiiyo, iyadoo aanu waqti u qaban xilliga laga doodayo Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.

Illaa 200 Xildhibaan ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu kooramkooda dhan yahay, hase ahaatee waxaa shaki badan laga muujinayaa in hadii tiradaas ku fariistaan in Guddoomiye Jawaari heli karo codod ku filan inuu uga badbaado mooshinka kalsooni kala noqoshada, iyadoo Xukuumadda ay ku dadaaleysi in Xildhibaanada maqan inay dalka soo galaan, si ay uga qeyb qaataan ololaha lagu ridayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip