Ciidamo Ka Wada Tirsan Kuwa DFS Oo Ku Dagaalamay Tarabuunka
-Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ku dagaalamay nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu dhaxeeyay Ciidamo milatari ah oo ka tirsan kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka iyo Ciidamo nabad sugid ah.
Waxaana la sheegay in Gaari Cabdile ah laga qabsaday Ciidamada NISA, sidoo kalena uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhawaac, walow aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.
Lama oga illaa iyo hadda waxa sababay dagaalkaasi, waxaana weli Rasaas teel teel ah ay ka socotaa Isgosyka Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.