Aqalka Sare oo maanta warbixin ka dhageysanaya Guddigii loo saaray khilaafka Golaha Shacabka

0
Wednesday March 21, 2018 - 10:30:33 in Wararka by
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Sare oo maanta warbixin ka dhageysanaya Guddigii loo saaray khilaafka Golaha Shacabka

    Guddigii loo saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa maanta warbixin laga dhageysanayaa, iyadoo Guddigan uu la kulmay madaxda dowladda iyo dhinacyada uu muranka u dhaxeeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddigii loo saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa maanta warbixin laga dhageysanayaa, iyadoo Guddigan uu la kulmay madaxda dowladda iyo dhinacyada uu muranka u dhaxeeyo.

Inkastoo aanu Guddigan ku guuleysan xal ka gaarida khilaafka, hadana waxaa muuqata in khilaafkii Xildhibaanada Golaha Shacabka uu sii xoogeystay, kaasoo si aad ah ay ugu kala qeybsameen.

Axmed Macalin Cumar oo ah Guddoomiyaha Gudiga warfaafinta Aqalka Sare ayaa sheegay in warbixin laga sugayo Guddiga, isla markaana lala wadaagi doono wixii ay la soo kulmeen guddiga, intii ay dhex dhexaadinta ku guda jireen.

Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa horay uu muran ka taagnaa sharciyadiisa, balse markii dambe uu ogolaaday Jawaari, isla markaana qorshuhu yahay in muddo 10 cisho gudahood lagu hor-geeyo baarlamaanka, loogana doodi, codna loo qaado.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka siyaasadeed ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka ayaa curyaamiyay howlihii hey’adaha dowladda, waxaana lagu mashquulay olole iyo kulamo iska soo horjeeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip