Neymar oo sharuud adag ku xiray inuu baaqi ku sii ahaado Paris Saint-Germain

0
Tuesday March 20, 2018 - 21:58:53 in Wararka by
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar oo sharuud adag ku xiray inuu baaqi ku sii ahaado Paris Saint-Germain

    Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee £ 1million mushaar ahaan todobaadkii kaga qaata kooxda Paris Saint-Germain, iyadoo ay jiraan warar la xiriirinaya inuu u wareegayo Real Madrid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee £ 1million mushaar ahaan todobaadkii kaga qaata kooxda Paris Saint-Germain, iyadoo ay jiraan warar la xiriirinaya inuu u wareegayo Real Madrid.

Shanta horyaal ee ugu sarreysa ciyaaraha Yurub majiro ciyaryahan mushaar ahaan u qata isbuucii lacag dhan £ 1million.

26 jirkaan oo haatan kasoo kabanaya dhaawac, ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay kooxda Los Blancos marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Neymar ayaa la rumeysan yahay inuu iska diidi doono dalabka Real Madrid haddii mushaarkiisa sannadlaha ah la gaarsiiyo 52 milyan oo ginni.

Dalabkaan cusub ayaa ka dhigaya ciyaaryahanka reer Brazil ee Neymar midka ugu mushaarka badan adduunka, isagoo dhaafaya qandaraaska Messi haatan kaga qaato Barcelona 40 milyan oo ginni

Waxaa la fahamsan yahay in kooxda Les Parisiens aysan bixin doonin lacagtaasi kadib markii Neymar ku fashilmay xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay inuu ka caawiyo tartanka UEFA Champions League.

Neymar ayaa dhaliyay 29 gool, waxaana uu caawiyay 19 kale kaliya 30 kulan oo uu u saftay PSG xilli ciyaareedkan.

Neymar ayaa ka dhaqaaqi kara PSG seddex bilood ka dib marka uu furmo suuuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Messi ayaa hadda ah ciyaryahanka ugu mushaarka badan dunida, halka Neymar uu yahay kan labaad ee dunida ugu mushaar badan.

Ciyaartooyda koonfurta America kasoo jeeda ee Oscar iyo Lavezzi ayaa kasoo muuqday kaalmo ka horeeya Ronaldo oo liiskaan kaga jira kaalinta shanaad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip