Jawaari iyo Khayre hadda midna ma heesto Codad ku filan.

0
Tuesday March 20, 2018 - 20:15:39 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaari iyo Khayre hadda midna ma heesto Codad ku filan.

    Xaaladda Siyaasadeed ee magaalada Muqdisho ayaa degan saacadihii la soo dhaafay waxaana jawi degan ku socda raadinta codad ku filan mooshinka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, halka dhinaca kale uu raadinayo codad uu isaga difaaca mooshinka ku wajahan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda Siyaasadeed ee magaalada Muqdisho ayaa degan saacadihii la soo dhaafay waxaana jawi degan ku socda raadinta codad ku filan mooshinka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, halka dhinaca kale uu raadinayo codad uu isaga difaaca mooshinka ku wajahan. Xildhibaanada Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaana sii xoogeysanaya kala jiidashada xubnaha aan dhanna raacsaneen kuwaas oo maalmo iyo saacado kooban dalka jooga, qaar kale ayaa loo yeeray oo ku maqan dalka dibadiisa waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ka soo degaan Garoonka Aadan cadde.
Mashquul badan ayaa ka jira Hoteelada magaalada Muqdisho, way adagtahay in aad hesho xildhibaanada oo mid kasta kolba koox ayuu la shirayaa, kuma kalsoonaan kartid wixii ay kaaga sheegaan mooshinka sababtoo ah mid kasta waxa uu ka hadlaya rabitaankiisa.

Waxaa jira Labo koox oo ay labada dhinac u wakiisheen abaabulka qorshahooda iskama war qabaan heshiisna kama dhaxeeyo labada dhinac malaayiin lacag ah ayay koox walba ku raadineysaa Codad ay uga gudubto darbiga ku geedaaman.

Dhamaan waxaa istaagay shaqooyinkii qaranka, ma jiro wasiir xafiiskiisa ku sugan, mashquul aan kala go’ lahayn ayuu wajahayaa xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiye Jawaari habeen iyo maalin waa isugu mid waxaana garab weyn u ah dhamaan Mucaaraadkii Xukumadda uu ugu horeeyo Ra’iisal Wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

In aad hesho Xildhibaano ku taageero ama codad kugu filan waxay kaaga xiran tahay bixinta lacagtii aad ku heshiisaan, mana jirto Xisaab la ogyahay waana xildhibaan walba iyo lacagtii uu sheegto.



Dalka Doolar ayaa wareegayaa, helitaankiisa waxay u fududahay qofkii cod ku leh Golaha Shacabka waana awoodo iska soo horjeeda mid kasta mooshinka waxa uu ka dhaxlayaa Qatar aad u adag waana tan ku qasbeysa in uu jeebka Furo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka waa ku qasban yahay in uu difaacdo kursigiisa oo hadda liiq liiqanayo, Ra’iisal Wasare Khayrre iyo Kooxdiisa waa u dhamaatay hadii ay ku guul dareestaan mooshinka waana tan ku qasbeysa maskax iyo maal in ay Geliyaan qorshahooda.

Wariyaasha ka qayb galayaa Kulamada Labada dhinac ayaa sheegaya in uusan farqi badan u dhaxeynin tirada Xildhibaanada ay heestaan hadii aan wax iska badalin saacadaha dambe mooshinka.

Saxafiyiintii ka qayb gashay Kulamada Labada dhinac iyo maamulayaasha Hoteelada ayaa ii sheegay in tirada Xildhibaanada ee Mooshin wada in aysan ka badneen 100-110 Xildhibaan, halka Xildhibaanada Taageersan Guddoomiye Jawaari la sheegay in ay gaarayaan 97-105 Xildhibaan.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka ku eedeeyay wax qabad la’aan iyo ku xad gudub Dastuurka dalka 5-tii sano ee la soo dhaafay.

Xubnaha taageersan Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa Xukumadda ku eedeeyay in ay mooshinka dabada ka riixeyso, waxaana sidoo kale ay sheegeen in khilaafka ka bilaawday qorshe ay xukumadda ku dooneyso in aan wax mooshin ah laga keenin Madaxweynaha iyo Ra’iisal inta ka dhiman waqtiga Dowladda taas uu diiday Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Afar (4) maalmood oo kaliya ayaa ka dhiman xiliga loogu talagalay in mooshinka loo codeeyo waana 24-ka bishaan wali lama shaacin halka lagu qaban doono codadka waa qarsoodi waana tan kalsooni darrada ku abuureysa dhinacyada iska soo horjeeda waxaana markaan oo kale xildhibaanada u fudud in ay hal dhinac balan ka qaadaan kadibna ay rabitaankooda cod u dhiibtaan sababtoo ah waa qarsoodi oo cidna ma oga qofka aad u codeysay iyo midka aad ka codeysay Jawaari iyo Khayyre.

Xildhibaanada ayaa wada in ay badalaan qodob Dastuuri ah kaas oo dhigaya in codka qarsoodi laga dhigo waxayna u baahan tahay codadka xildhibaanada saddax meelood laba meel oo ah 184 cod.

Si walba mooshinkaan ayaa ah kii ugu adkaa ee dalka soo maara sanadihii ugu dambeeyay waxaana la arki doonaa dhinacii uu daadka qaado.

xigasho:-radiokulmiye.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip