Madaxweynihii hore ee Faransiiska oo loo heysto dhaqaale uu ka helay Hoggaamiyihii hore Libiya

0
Tuesday March 20, 2018 - 19:42:53 in Wararka by
  • Visits: 353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Faransiiska oo loo heysto dhaqaale uu ka helay Hoggaamiyihii hore Libiya

    Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa loo xiray su'aalo ay Booliska ka weydiinayaan dhaqaale uu ka helay Hoggaamiyihii hore ee Libiya Col. Muammar Gaddafi, xilligii uu ololihiisa doorashada ku guda jiray sanadkii 2007-dii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa loo xiray su'aalo ay Booliska ka weydiinayaan dhaqaale uu ka helay Hoggaamiyihii hore ee Libiya Col. Muammar Gaddafi, xilligii uu ololihiisa doorashada ku guda jiray sanadkii 2007-dii.

Sarkozy ayaa lagu soo eedeeyay inuu lacago ka helay Col. Gaddafi, intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada, waxaana tani ay saameyn ku yeelatay xoriyadiisa.

Booliska ayaa u kaxeystay Mr Sarkozy magaalada Nanterre ee duleedka galbeed ee magaalada Paris.

Sarkozy ayaa horay u beeniyay in dhaqaale uu ka helay Hoggaamiyihii hore ee Libiya, xilligii uu Ololaha ku jiray sanadkii 2007-dii.

Sidoo kale Booliska ayaa su’aalo weydiiyay Wasiir hore iyo nin aad ugu dhowaa oo la xiriira arrinta eedeymaha dhaqaalaha uu ka helay Hoggaamiyihii hore ee Libiya.

Baaritaanka la xiriira eedeymahan ayaa soo bilowday sanadkii 2013, waxaana xeer ilaaliyeyaasha ku soo eedeynayaan in lacago maalgelin sharci darro ah uu ka helay Col. Gaddafi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip