Cabdi Shire "Jawaari oo xilka laga qaado waa Baarlamaanka oo albaabada loo laabo"

0
Tuesday March 20, 2018 - 18:57:21 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Shire "Jawaari oo xilka laga qaado waa Baarlamaanka oo albaabada loo laabo"

    Cabdi Shire Jaamac oo loo yaqaano Ciyaar Jecel oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa in Guddoomiye Jawaaro oo xilka laga qaado ay ka dhigan tahay in Baarlamaanka oo albaabada la isugu laabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Shire Jaamac oo loo yaqaano Ciyaar Jecel oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa in Guddoomiye Jawaaro oo xilka laga qaado ay ka dhigan tahay in Baarlamaanka oo albaabada la isugu laabo.

Xildhibaanka ayaa muujiyay sida aanu raalli uga aheyn ololaha lagu ridayo ee Guddoomiye Jawaari oo ay wadaan xubno ka tirsan Baarlamaanka, iyadoo ay gadaal ka riixayaan Madaxtooyada iyo Xukuumadda.

"Isku dayga la rabo in xilka looga qaado Guddoomiye Jawaari waxaa u arkaa mid aan danta Umadda Soomaaliyeed xilligan ku jirin, waxaa ka codsanayaa Xildhibaanada saxixay mooshinka in xaalada dib u eegaan oo ay maanka ku hayaan marxalada uu dalku ku sugan yahay”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Jawaari uu yahay nin sharci yaqaan ah, isla markaana aanu xilligan adduunka joogin qof leh aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, isagoo xusay in bani’aadam uu khaldami karo.

"Dadku waa bani’aadam, khalad waa jiri karaa ay arkaan xildhibaanada qaar inuu galay Guddoomiyuhu, balse waxaa muhiim ah in aan xaqiiqada aan laga tagin, Aqoonta Jawaari uu leeyahay dhan maamul, sharci iyo waayo-aragnimo maanta ma noola qof Soomaali ah oo leh, Jawaari oo Guddoomiyenimada laga qaado waa baarlamaanka oo albaabada loo laabo”ayuuXildhibaan Cabdi Shire Jaamac.

Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari ayaa cirka isku shareertay, iyadoo ay ku kala qeybsameen Xildhibaanada, waxaa socda kulamo gaar gaar ah oo badankood lagu bixiyo dhaqaale fara badan, iyadoo xod-xodashada iyo kasbashada Xildhibaanada ay aad u xoogeysatay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip