Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u furay waddo muhiim aheyd oo dhagxaan lagu gooyay

0
Tuesday March 20, 2018 - 18:31:57 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u furay waddo muhiim aheyd oo dhagxaan lagu gooyay

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dib u furay wado hor-marta Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, taasoo halbowle u ah isu socodka xaafadaha waqooyiga Muqdisho, kaasoo sanado ka hor lagu gooyay dhagxaan iyo carro, kaddib qarax ka dhaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dib u furay wado hor-marta Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, taasoo halbowle u ah isu socodka xaafadaha waqooyiga Muqdisho, kaasoo sanado ka hor lagu gooyay dhagxaan iyo carro, kaddib qarax ka dhacay agagaarka Xarunta Gaadiidka Booliska.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa saakay dib u furay waddadaan, isagoo sheegay dib u furida wadadan ay qeyb ka tahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ogolaanshahooda ay wadadan ku fureen, si ay qeyb uga qaadato horumarka iyo bilicda Caasimadda, waxuna tilmaamay in tallaabadan ay xigi doonto furitaanka wadada hormarta xarunta Danbi baarista ee (C.I.D), taasoo muhiim u ah isku socodka magaalada.

"Tani waa bilow waxaan ku soconnaa in dhammaan waddooyinka xiran loo furo shacabka, si loogu fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda, intii amni looga maari waayo mooyee, sidaas daraadeed, shacabka waxaa laga rabaa in ay isku diyaariyaan dhismaha waddooyinka. Ciidanka Booliskana waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay nooga aqbaleen codsigeena una fureen waddadan.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Duqa Muqdisho waxuu sheegay in furitaanka waddooyinka ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan Amniga iyo horumarka Caasimadda, shacabka Soomaaliyeed na looga fadhiya in doorkooda ay ka qataan sidii ay magaalada Muqdisho ula tartami lahayd Caasimadaha kale ee adduunka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa baaq u diray Ganacsatada iyo Shacabka xirtay waddada dhinacyadeeda ee dhulka danta guud ah, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cidii arrimahaas lagu helo.

Dib u furida wadada


 
 
 
 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip