Gabar Soomaaliyeed oo dab ka baxaya jirkeeda uu gubayo guriga ay degto

0
Monday March 19, 2018 - 20:47:20 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabar Soomaaliyeed oo dab ka baxaya jirkeeda uu gubayo guriga ay degto

    Xabiibo Abshir oo ah gabar Soomaaliyeed oo 22 jir ah ahna hooyo shan carruur ah haysata ayaa ku dhacay xanuun marka ay dareento jirkeeda uu ka baxayo dhimbilo dab ah kaasoo gubaya wax walba oo u dhow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabiibo Abshir oo ah gabar Soomaaliyeed oo 22 jir ah ahna hooyo shan carruur ah haysata ayaa ku dhacay xanuun marka ay dareento jirkeeda uu ka baxayo dhimbilo dab ah kaasoo gubaya wax walba oo u dhow.

Gabadhan oo ku nooleyd magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa marka ay xanuunkeeda dareentay waxaa ay waalidkeed u kaxeeyeen degmada Bardaale oo waalidkeed ay ku nool yihiin.

Maryan Abshir oo ah gabar ay walaalo yihiin Xabiibo Abshir ayaa u sheegtey weriyaha jowhar.com ee magaalada Baydhabo in mucjisadan ku dhacday ay ka warheleen kadib markii xanuun u uku soo booday.

"Saddex guri oo magaalada Baydhabo ay ka degtey ayaa gubtay marka uu xanuunkan ay dareento walaashey waxaana aan u wadnay magaalada Berdaale,balse mudul aan dejinay ayaa gubtay.”ayay tiri Maryan Abshir.

Xabiibo Abshir ayaa haatan ku nool degmada Bardaale ee gobolka Bay marka ay dhimbilaha dabka ka baxayaan dareento culeys.

Xaalada haysata gabadhan ayaa ah mid ku cusub dalkeena iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee lagu arko dalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhagayso Maryan Abshir oo ka warbixinaysa xaalada walaasheed

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip