Xildhibaanada Mooshinka wada oo dhoolatus sameeyay iyo Wasiiradii Xukuumadda oo xaadiray

0
Monday March 19, 2018 - 20:16:10 in Wararka by
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Mooshinka wada oo dhoolatus sameeyay iyo Wasiiradii Xukuumadda oo xaadiray

    Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federalka Soomaaliya oo taageersan mooshinka laga geeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goordhow ku sameeyay bandhig magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federalka Soomaaliya oo taageersan mooshinka laga geeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goordhow ku sameeyay bandhig magaalada Muqdisho.

Bandhiggan ayay xildhibaanada ku muujinayeen tiradooda iyo weliba sida ay ugaga go’an tahay in uu baneeyo xilka guddoomiye Jawaari.

Qudbado ay ka soo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaanada hotel SYL oo ay bandhigan ku sameeyeen ayay ku sheegeen in la gaaray xilligii uu xilka ka degi lahaa guddoomiye jawaari.

Ismuujintan oo ah mid aan hore loogaga arag siyaasada dalka Soomaaliya ayaa dadka soo xusuusinaysa hebeen kahor waqtigii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya sanadkii hore ee ay xildhibaano badan ku muujiyeen isla hotelka SYL taageerada ay u hayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud balse markii ay dhacday doorashada madaxtinimada aysan u codeyn Xasan Sheekh xildhibaanadaas.

Sidoo kale saaka ayaa xildhibaano ka soo jeeda Koofurgalbeed Soomaaliya waxa ay ugu codsadeen guddoomiye Jawaari inuu xilka ka dago.Si kasta ha ahaatee guddoomiye Jawaari ayaa weli ku adkeysnaya in lagu kala baxo codeyn.

dhoolatus siyaasadeed.
 
 
 
 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip