Guddoomiye Jawaari oo aqbalay mooshinka, kuna baaqay in muddo 10 cisho gudahood cod loogu qaado

0
Sunday March 18, 2018 - 21:00:24 in Wararka by
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Jawaari oo aqbalay mooshinka, kuna baaqay in muddo 10 cisho gudahood cod loogu qaado

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo goor dhow la hadlayay Warbaahinta ayaa aqbalay mooshinka laga keenay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay in cod lagu kala baxo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo goor dhow la hadlayay Warbaahinta ayaa aqbalay mooshinka laga keenay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay in cod lagu kala baxo.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inuu dhamaaday khilaafkii mooshinka ka dhashay, mar haddii mooshinka la aqbalay, loona baahan yahay in si waafaqsan xeer hoosaadka loo qaado, lana horgeeyo Baarlamaanka

"Khilaafka mooshin kalsoonida kala noqoshada waa uu dhammaaday, waa la ogolaaday in mooshinkaas uu jiro, loona baahan yahay tallaabadii habooneyd si waafaqsan heer hoosaadka, kaas oo sheegaya in 10 beri gudhaood lagu hor-geeyo golaha shacabka oo ay u codeeyaan”

Guddoomiye Jawaari ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la soo geliyay baraha bulshada, kaasoo ahaa inuu is casilayo, isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid riyo ah.

"Cod ayaa ku imid oo aan xilka Guddoonka Baarlamaanka ku hayaa, haddii aan baxayana cod ayaa ku baxayaa”ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale Jawaari ayaa mar kale sheegay in ciidamo ay heystaan xarunta Golaha shacabka, waxaana uu ku baaqay in laga baxo qaabkii maleeshiyaadka iyo jabhadeynta

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan waan socotay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed, waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod.

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa u baahan si ay u ridaan Guddoomiye Jawaari 184 cod, taasoo ah arrin aan sahlaneyn oo u baahan olole la mid ah kii doorashada Madaxweynaha.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip