Xildhibaan Abuukaate "Madaxweynaha waa inuu si degdeg u soo fara geliyaa khilaafka Hey'addaha Sharci dejinta iyo Fulinta"

0
Sunday March 18, 2018 - 20:53:14 in Wararka by
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Abuukaate "Madaxweynaha waa inuu si degdeg u soo fara geliyaa khilaafka Hey'addaha Sharci dejinta iyo Fulinta"

    Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Abuukaate oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu si degdeg ah u soo farageliyo khilaafka u dhaxeeya Hey'addaha sharci dejinta iyo Fulinta, isla markaana caddeeyo mowqifkiisa halka uu ji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Abuukaate oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu si degdeg ah u soo farageliyo khilaafka u dhaxeeya Hey'addaha sharci dejinta iyo Fulinta, isla markaana caddeeyo mowqifkiisa halka uu jiro.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate ayaa sheegay in Madaxweynaha uu yahay ninka u dhaxeeya Hey’addaha Sharci dejinta, Garsoorka iyo laanta Fulinta, isla markaana qodobka 90aad ee Dastuurka uu siinayo awoodo dheeraad ah.

"Dalkaan Madaxweynaha ayaa u sareeyo, qodobka 90aad ee dastuurka awoodo dheeri ah ayuu siinayaa waa qofka u dhaxeeya Hey’addaha sharci dejinta, garsoorka iyo Fulinta, waxaa la rabaa inuu khilaafka soo farageliyo sida ugu dhaqsiyaha badan u xaliyo, ma ahan in uusan ka aamusin, tallaabo degdeg ah uu qaadaa, si arrintan loo xaliyo, haddii uu qeyb ka yahayna waa soo baxeya, hadii uusan qeyb ka aheyn waa la arki doonaa”ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.

Waxaa uu sheegay in haddii ay meesha ka baxdo laanta sharci dejinta ay dalkaan wax badan ka halaabayaan, isagoo xusay in waxa loo socdo aanu Jawaari kaliya aheyn, balse la rabo in la burburiyo Baarlamaanka.

"Jawaari waa shaqsi, xil waa laga qaadi karaa, waana loo dooran karaa, laakiin in laga dhigto wadadii Baarlamaanka lagu burburin lahaa, taas ayaa diidan nahay”ayuu yiri Xildhibaanka.

Madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka hadlin khilaafka Xukuumadda iyo Baarlamaanka ayaa safar la filayay inuu maanta ugu ambabaxo dalka Qatar u baajiyay xiisada siyaasadeed ee uu dalka galay.

Khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka iyo Xukuumadda ayaa cirka isku shareeray, waxaana ay saameyn ku yeesheen howlihii dowladda, iyadoo magaalada Muqdisho ay hareeyeen shirar siyaasadeed iska soo horjeeda oo ay kala wadaan labada dhinac ee uu khilaafka u dhaxeeyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip