Wasiir Khadiija : Wali mooshinka waa sharci waxaana loo gudbinayaa Golaha Baarlamaanka
‘’Mooshinkaasi waa gudbay, waa sharci, waxaan leeyahay halagu kalsoonaado, in Jawari uu sheego in mooshinka sharci ahaan uu buray waa nasiib darro, waxey wax u dhimeysaa aqoontiisa, waxey wax u dhimeysaa Diintiisa, waxey wax u dhimeysaa karaamdiisa’’ ayeey khudbadeeda ku sheegtay Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasiirka ayaa sheegtey in mar haddii mooshinka la qabto kaddib cidna ka noqon karin ilaa la geeyo golaha Baarlamaanka lagana doodo.
"184 haddii uu mooshinkaas gaari waayo Jawaari waa gudoomiyaha Golaha Shacabka,laakiin hadii uu gaaro waa wax cad,waxana idin sheegayaa in mudo 15 cisho ah gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoomiye Baarlamaan ‘’ ayeey tiri xildhibaan Khadiijo Maxamed diiriye”
Hadalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sii xoojinaya tuhunka la qabo oo ah mooshinka ay gadaal ka riixayaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.
Wasiir Khadiija : Wali mooshinka waa sharci waxaana loo gudbinayaa Golaha Baarlamaanka
Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshey xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana kulankaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda uu hogaamiyo ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.