Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska oo war ka soo saaray Ciidamada la wareegay xarunta Golaha Shacabka

0
Saturday March 17, 2018 - 00:42:27 in Wararka by
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska oo war ka soo saaray Ciidamada la wareegay xarunta Golaha Shacabka

    Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah ay ku xoojiyeen ammaanka xarunta Golaha Shacabka, iyagoo beeniyay in Ciidamo ka tirsan kuwa Koofi Gaduud iyo Ciidamada Xasilinta ay la wareegeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah ay ku xoojiyeen ammaanka xarunta Golaha Shacabka, iyagoo beeniyay in Ciidamo ka tirsan kuwa Koofi Gaduud iyo Ciidamada Xasilinta ay la wareegeen.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xasan Macalin Xuseen ayaa sheegay in ciidamada la geeyay xarunta golaha shacabka ay yihiin kuwo suga amniga oo ka tirsan Booliska, isla markaana uu ahaa amar ka yimid Wasaaradda

"Runtii Maanta 2:0 duhurnimo ayaan ku amray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya in Ciidamo suga Amniga oo Boolis ah lagu kordhiyo Xarunta Golaha shacabka, wuuna aqbalay laakin ma jirto Ciidamo kale oo la geeyay, waxaana Ciidamadu sugi doonaan Amniga Xarunta iyo Xildhibaanada oo waa masuuliyad na saaran ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir ayaa sheegay in sababta ciidamada loo geeyay ay tahay ciidamo boolis ah oo tababaran, isla markaana xaqiijinaya amniga Xarunta, si aanay xarunta uga dhicin fowdo, maadaama ay jirto xiisad siyaasadeed sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska aanay aheyn ciidamo qolo gaar u adeegaya, balse ay yihiin ciidan nidaam iyo dishibiliin leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in ciidamo uu diray ay la wareegeen xarunta, isla markaana wixii ka dhaca uu mas’uul ka yahay.

Xiisada siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa magaalada Muqdisho geliyay xaalado cusub oo aan horay looga baran, waana markii u horeysay oo la arko Mooshin iyo ciidan isla socda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip