Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan oo ku hanjabay inay dhisayaan Maamul ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed

0
Sunday December 20, 2015 - 09:54:50 in Wararka by
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan oo ku hanjabay inay dhisayaan Maamul ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed

    Xildhibaano & Siyaasiyiin ka soo jeeda Degmooyinka Ceelbarde, Yeed & Caato Ee Gobolka Bakool, ayaa waxay ku hanjabeen inay dhisayaan Maamul ka madax bannaan Maamulka Koonfur Galbeed. Xubnahan, ayaa waxay Maamulka Koonfur Galbeed ku dhaliil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano & Siyaasiyiin ka soo jeeda Degmooyinka Ceelbarde, Yeed & Caato Ee Gobolka Bakool, ayaa waxay ku hanjabeen inay dhisayaan Maamul ka madax bannaan Maamulka Koonfur Galbeed. Xubnahan, ayaa waxay Maamulka Koonfur Galbeed ku dhaliileen in dadkii ka soo jeeday deegaanadaasi laga musuq maasuqay xubnihii, ay ku lahaayen Baarlamaanka Koonfur Galbeed, oo bishan uun lagu dhisay Magaalada Baydhabo. Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay inay wadaan qaban qaabada shir ay ku qabanayaan Degmada Ceelbarde, oo sida uu sheegay ay ku soo dhisayaan Maamul ka dhan ah Koonfur Galbeed.

Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur, ayaa tilmaamay in Maamulkoodu uu hoos-taggi doono Dowladda Federaalka Somaliya, isla-markaana uu sidaasi qabo Dastuurka Qabyo Qoraalka Somaliya, sida uu yiri.

Xildhibaan Sanyare oo la hadlay BBC, ayaa ku andacooday inay u suurtageli weyday in ay la kulmaan Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed, si ay u gaarsiiyaan cabashada dadka ka soo jeeda Caato, Yeed & Ceelbarde.

Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa ku celceliyay in ay wax adag ku noqotay inay is fahmaan Maamulka Koonfur Galbeed, sidaasi daraadeedna ay ka tashadeen, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, Wasiirkii Hore Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, Xuseen Cabdi Xalane iyo Siyaasiyiin kale, ayaa tagey Degmadaasi Ceelbarde, si ay ugu soo dhisaan Maamul kulmiya Ceelbarde, Caato & Yeed.

Diidmada ay muujinayaan xubnahaan, ayaa billihii ugu dambeeyay laga dareemaayay saaxada siyaasadda Somaliya, waxaase loo arkaayay uun arrin salka ku haysa dano gaar ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip