Saraakiil Caddaan ah oo baaritaano ku sameeyay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

0
Sunday December 20, 2015 - 09:19:02 in Wararka by
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Caddaan ah oo baaritaano ku sameeyay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

    Saraakiil Caddaan ah oo ka tirsan Saraakiisha Reer Galbeedka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxayshalay galab gaareen Wadada Maka Al Mukarama, oo uu ka dhacay qarax miino oo ka dhashay gaari nooca raaxada ah. Goobjoogayaal, ayaa sheegay in g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil Caddaan ah oo ka tirsan Saraakiisha Reer Galbeedka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxayshalay galab gaareen Wadada Maka Al Mukarama, oo uu ka dhacay qarax miino oo ka dhashay gaari nooca raaxada ah. Goobjoogayaal, ayaa sheegay in gaarigaasi uu ahaa Nissan Tarare oo la soo dhigay meel ku dhow Carwada Alkowthar, waxaana uu sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyaeedba leh. Saraakiishan Caddanka ah, ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliya ee miino baarista ka caawinaaya baaritaanada qaraxan, si macluumaad looga helo kuwii ka dambeeyay qaraxaasi, waxayna halkaasi ka qaateen firiro ka dhashay qaraxa.

Ciidamada Dowladda, ayaa muddo saacado ah xiray waddada mashquulka badan, taasoo dad badan oo gaadiid watay ku khasabtay in saacado ku xannibnaa waddadaasi.

Dhanka kale ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka 19 kalana ay ku dhaawacantay. Isbitaalka Madiina waxaa la gaarsiiyay 19 qof oo sida la sheegay ku dhaawacantay qaraxaasi.

Duniya Maxamed Cali, Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina, ayaa waxay xaqiijisay in loo keenay 19 ruux, iyadoo 13 ka mid ah sheegtay in la seexiyay, kuwaa oo laba ka mid ihi ay xaaladoodu culus tahay, sida ay tiri.

Qaraxan, ayaa sidoo kale sababay burbur soo gaaray goobaha ganacsi ee ku yaala waddadaasi. Carwada Alkowthar oo kale waxaa soo gaaray burbur, halka Carwooyinka kale ee ku dhow dhowna ay muraayadihii ka daateen.

Ururka Al Shabaab oo dagaal adag kula jira Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa uu sheegtay masuuliyadda qaraxii xoogganaa, ee ka dhacay  Magaalada Muqdisho.

Al Shabaab, ayaa waxay sheegatay in qaraxaasi ay la beegsatay Saraakiil Ciidamada Dowladda ka tirsan, dibna ay ka soo faah faahin doonaan.

Magaalada Muqdisho,ayaa waxaa ku soo noq noqday qaraxyada ceynkani oo kala ah, kuwaa oo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaarto dadka rayidka ah.

Muqdisho1Muqdisho2MuqdishoMuqdisho2-Muqdisho3Muqdisho3-Muqdisho4Muqdisho5Muqdisho6Muqdisho7Muqdisho8Muqdisho9

A Somali policeman walks past a damaged car at the scene of the afternoon blast near Al Kowsar supermarket in the capital Mogadishu December 19, 2015. REUTERS/Feisal Omar

A damaged car is seen at the scene of the afternoon blast near Al Kowsar supermarket in the capital Mogadishu December 19, 2015. REUTERS/Feisal Omar

A Somali policeman walks at the scene of the afternoon blast near Al Kowsar supermarket in the capital Mogadishu December 19, 2015. REUTERS/Feisal Omar



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip