XAMAASAD: Man City Oo Koobka Premier League Ku Guulaysan Karta Kulanka Man United Iyo Vincent Kompany Si Layaableh Dabka Ugu Sii Shiday.

0
Wednesday March 14, 2018 - 08:12:29 in Wararka by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAMAASAD: Man City Oo Koobka Premier League Ku Guulaysan Karta Kulanka Man United Iyo Vincent Kompany Si Layaableh Dabka Ugu Sii Shiday.

    Waxa ugu fiican ee ay koox England ahi samayn karto xili ciyaareedka ayaa ah in ay ku guulaysato koobka laakiin waxa ka sii fiican ayaa ah in ay koobka ku guulaysato maalin ay la ciyaarayso kooxda ay ugu colsan yihiin horyaalka Premier league. Waxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ugu fiican ee ay koox England ahi samayn karto xili ciyaareedka ayaa ah in ay ku guulaysato koobka laakiin waxa ka sii fiican ayaa ah in ay koobka ku guulaysato maalin ay la ciyaarayso kooxda ay ugu colsan yihiin horyaalka Premier league. Waxay sheekadani dhici kartaa April 7,2017 marka ay Manchester City soo dhawayso kooxda ay dariska yihiin isla markaana ay sida wayn u xifiltamaan ee Manchester United.
Kooxda Guardiola ee Manchestr City ayaa xalay sii joogtaysay 16ka dhibcood ee ay ka sarayso Manchester United kadib markii ay guul ka soo gaadhay kooxda Stoke City waxaana hadda lama huraan ah in la sugo waqtiga ugu horeeya ee ay Manchester City si rasmi ah u noqonayso kooxda Championska England.

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaan minco wayn u yeelin maalinta ay noqonayso in kooxdiisu ay ku guulaysato koobka Premier League isaga oo muhiimada u arka in kaliya ay koobka gacanta ku dhigaan laakiin taas waxaa si xoogan ugu khilaafay kabtanka kooxdiisa ee Vincent Kompany oo si wayn u soo dhaweeyay in koobka premier League ay ugu dul guulaystaan Manchester United.

Vincent Kompany ayaa sheegay in qof kasta oo ka tirsan qaybta buuga ah ee Manchester uu ogyahay in ku guulaysiga koobka Premier league ee kulanka Manchester United uu uga dhigan yahay wax nolasha hal mar oo kaliya la helo taas oo uu si cad ugu muujiyay sida ay kooxdiisa khaas ugu noqon karto.

Jose Mourinho iyo kooxdiisa Manchester United ayaa wax walba u samayn doona in qiirada iyo dabaal dega koobka Premier League ayna ciyaartoyda Manchester City iyaga ku dulsamayn laakiin taasi waxay ku xidhan tahay 90 ka daqiiqo waxa ay garoonka ka sameeyaan iyo sida ay ku joojiyaan Man City oo Old Trafford ku soo garaacday.

Vincent Kompany oo xamaasada ay kooxdiisa u yeelan doonto ku guulaysiga koobka Premier League ee kulanka Manchester Derby ayaa yidhi: "Waxaan filayaa in qofkasta oo jooga qaybta buluuga ah ee Manchester uu ogyahay in ay tahay fursad nolasha hal mar ka ah , laakiin sii joogtaynta waxaanu haysanaa kulan kale oo dheeraad ah ka hor United kaas oo ah mid adag kadib waynu arki doonaa. Waa hubaal in aan gacanta la noogalin doonin”.

Laakiin Manchester City ayaaba koobka Premier League ku sii guulaysan karta haddii ayna Manchester United guulaha sii wadin ka hor kulanka Manchester Derby taas oo iyada lafteedu dhibaatadeeda leh oo United dhigi karta kaalin ay safaf sharafeed u gali karaan Sky Blues.

Waxa aanu shaki ku jirin ayaa ah in Manchester City ay koobka Premier league ku guulaysan doonto ha soo deg degto ama ha soo daahdee balse waxay jamaahiirta City ku ducanaysanayaan ayaa ah in kulanka Manchester Derby uu u noqdo midka koobka premier league ay si rasmi ah ugu guulaysan karaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip