Maqaal: Imaaraatka iyo Turkey

0
Tuesday March 13, 2018 - 09:05:05 in Wararka by
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Imaaraatka iyo Turkey

    Imaaraat ma aha dowlad dowlad kale doonnaysa in ay xiriir ama saameyn ku yeelato ee waa qoys hantida shacabka muddo iska dhuuqayay, haddana cabsi weyn ay ka heyso in ay ku soo kacaan shacabkoodi ay muddo dulminayeen. Waxba kama duwana boqortooyadii G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imaaraat ma aha dowlad dowlad kale doonnaysa in ay xiriir ama saameyn ku yeelato ee waa qoys hantida shacabka muddo iska dhuuqayay, haddana cabsi weyn ay ka heyso in ay ku soo kacaan shacabkoodi ay muddo dulminayeen. Waxba kama duwana boqortooyadii Geeddi Shaambow (Baabow) ee qarniyo ka hor Buurhakaba ka dhisneyd. Qoraa sidoo kale ah qareen midigta fog oo heer sare ka gaaray naceybka ajaanibta Canada ku nool, oo aan is lahaa wax walba oo uu qoro waad ka soo horjeeddaa ayaan aqriyay buug uu qoray oo la yiraahdo "Ethical Oil" oo macnihiisu yahay shidaalka anshaxa leh. In kastoo dowladda Maraykanka ay shidaalka ay u baahan tahay inta badan ka iibsato Canada, haddanna waxaa jira dad deegaanka u dhaqdhaqaaqa oo diiddan shidaalka Canada, maaddamo dhoobo wasaq ah laga sameeyo. Dadkaasi waxay ku doodayaan in deegaanka (bay'ada maraykanka) ay u wannaagsanaan lahayd in shidaalka nadiifka ah ee ceelasha Carabta sida qulqulka uga soo butaaca in Khaliijka laga soo iibsado.



Ezra Levant, qoraaga buugga Ethical Oil, wuxuu si guul culus keentay ugu dooday in shidaal dhoobo ah, balse ka nadiif ah musuqmaasuq, takri fal qawlaysato boqortooyo, ayna soo saaraan shaqaale la ixtiraamo, sharci iyo ka la dambeyn, xuquuqul insaanna ku salaysan, bulshadanna daqligiisa ay u siman tahay, uu 100% ka fiican yahay shidaal sida biyihii nadiif u ah, balse tuugo boqortooyo ah ay ku takri falaan, musuqmaasuq loo adeegsado, shaqaale Asian iyo Afrikaan dhibaataysan ay soo saaraan.

Imaaraatka tartan culus ayay Turkey kula gashay Soomaaliya, mana laha niyad samida Turkey-da, waa tartan qaawan oo ujeeddo ku gaar dhow ah!

Sida uu Ezra Levant sheegay lacag ka soo dhacday Imaaraat waa wasaq, wax laga faa’idayo haba yaraatee lamma arko, oo quimaha lacagtaas dhaafsiisan. Waa dal boqortooyo iyo is gumeysi ku salaysan, musuqmaasuq, eex iyo takri fal heerkii ugu sareeyay maraya! Waa dalalka ugu horeeya ee loo baahan yahay in Soomaaliya saameeyntooda laga fogeeyo!

Waa dabiici dowlad walba dan ayay naga leedahay, annagana waan ka leenahay balse danta ay dowlad naga leedahay, waxaa ka muhiimsan maxaan ka faa’idi karnaa anagana? IMAARAAT WAXBA!

Saaxiibtinimo Turkey, oo aan la socon 1 dollar oo gargaar ah, ayaa ka qiimo badan raad mustaqbaleed ahaan, saaxiibtinimo Emaaraat oo balaayiin gargaar ah la socoto.

Qofka maanta lacag Imaaraat Turkey u colaadiya, waa mas’uul aan dan ka lahayn mustaqbalka Soomaaliya!

Anshaxa ha la garab istaago!

Ujeedada Imaaraatka ee ugu weyn waa in ay sidii ay dimuqraaddiyaddii Masar ka hana qaadday u hor istaageen ee ay Maxamed Mursi af gembigiisa u maalgeliyeen, ay Soomaaliyana ka hor istaagaan inta yar ee 4 sannaba la is dooranayo iyo geeddiga maamul wannaagga aan ugu jirno!

Si qoyskaas loo badbaadiyo, Imaaraat waxay rabeen in murashax ay wataan uu dalka xukumo. Markii uu Farmaajo soo baxayna, iibsasho siyaasiyiin iyo dabeecad caruureed ah in maamul goboleed lala xirto ayay billaabeen. Intaas oo dhan waa in la horjoogsado sharafta madaxtinimada Soomaaliya ay u wareegayso.

Qormadii: Hassan Adan Hosow

FacebookTwittGool+Share


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip