Juventus Iyo Man City Oo Iska Xaadiriyay Wareega 8-da Ee UCL Xili Spurs & FC Basel Ay Hareen

0
Thursday March 08, 2018 - 07:23:34 in Wararka by
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juventus Iyo Man City Oo Iska Xaadiriyay Wareega 8-da Ee UCL Xili Spurs & FC Basel Ay Hareen

    Paul Dybala, da'yarka reer Argentina ayaa udhaliyay kooxdiisa goolkii guusha daqiiqadii 67aad, waxaana taasi ay keentay in qaab daafacasho fiican kadib ay usoo baxaan wareega Sideed dhamaadka ee tartanka Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Paul Dybala, da'yarka reer Argentina ayaa udhaliyay kooxdiisa goolkii guusha daqiiqadii 67aad, waxaana taasi ay keentay in qaab daafacasho fiican kadib ay usoo baxaan wareega Sideed dhamaadka ee tartanka Champions League.

 [Sawiro]

Kooxaha kubada cagta ee kala ah: Juventus iyo Manchester City ayaa waxay usoo baxeen wareega Sideed dhamaadka ee Champions League, kadib markii ay lasoo kala dheeleen kooxaha Tottenham iyo FC Basel, xalay oo Arbaco ahayd.

Ugu horeyn, naadiga kubada cagta Man City oo gurigeeda kusoo dhaweysay FC Basel ayaa loogana badiyay 2-1, laakiin waxay kusoo baxday goolal ay dhalisay lugtii koowaad, kuwaasoo gaarayaya Afar, waxaana wadar ahaan ay tahay 5-2.

Inkastoo, City ay goolka ku horeysay, oo uu udhaliyay Gabriel Jesus, daqiiqadii 8aad ee qeybta hore, waxaa ka bareejeeyay daqiiqadii 17 Maxamed Al-Yoonis – Qeybta koowaa 1-1 ayay ku kala baxeen – Bogga labaad daqiiqadii 71 ayuu Micheal Lang dhaliay goolka 2aad.

Geesta kale, Tottenham ayaa gool ay kula hormartay daqiiqadii 39aad ee qeybta koowaad, ayaa lagu kala baxay Bogga hore, laakiin waxaa ka bareejeeyay qeybta labaad gaara ahaan daqiiqadii 69aad ciyaaryahan Gonzalo Higuaín.

Paul Dybala, da’yarka reer Argentina ayaa udhaliyay kooxdiisa goolkii guusha daqiiqadii 67aad, waxaana taasi ay keentay in qaab daafacasho fiican kadib ay usoo baxaan wareega Sideed dhamaadka ee tartanka Champions League.

Labadaan kooxood ayaa waxay ku biirayaan liiska kooxaha Real Madrid iyo Liverpool, kuwaasoo horey ugu soo baxay wareega Sideed dhamaadka ee Champions League, waxaana harsan Afar kale, oo Isbuuca dambe la sugayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip