Ousmane Dembele oo qaati ka taagan Barcelona isla markaana calaameystay koox ka ciyaarta EPL

0
Tuesday March 06, 2018 - 19:15:32 in Wararka by
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ousmane Dembele oo qaati ka taagan Barcelona isla markaana calaameystay koox ka ciyaarta EPL

    Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu qaati ka taagan yahay kooxda Barcelona isla markaana uu isha ku hayo ku biirista kooxda Arsenal oo xiiso u qabta saxiixa laacibka heerka caalami ee dalka Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu qaati ka taagan yahay kooxda Barcelona isla markaana uu isha ku hayo ku biirista kooxda Arsenal oo xiiso u qabta saxiixa laacibka heerka caalami ee dalka Faransiiska.

Dembele ayaa si adag ku bilowday waayihiisa ciyaareed ee kooxda ka dhisan Nou Camp Stadium ka dib markii ay 135.5 milyan oo ginni uga soo iibsatay kooxda Borussia Dortmund xagaagii lasoo dhaafay.

Ousmane Dembele ayaa waxaa soo gaaray dhaawac bowdada ah durba markii uu kusoo biiray kooxda Barcelona, keliya laba kulan ayuuna kusoo bilowday tan iyo markii uu taam noqday bishii Jannaayo ee sannadkaan.


Sida laga soo xigtay shabakadda Don Balon ee dalka Spain, Dembele ayaa haatan isha ku haya inuu ka tago kooxda Barcelona maadaama ay xiiso u qabto saxiixa weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann kaasoo ay isku boos ka ciyaaraan.

Xiddiga reer France ayaana diiday inuu meesha ka saaro ku biirista naadiga Arsenal oo xiiso u qabta, waana koox kusoo jiidaneysa fursad ciyaareed joogto ah.

Sidoo kale 20 sanno jirkaan Ousmane Dembele ayaa u careysan xiddigaha kooxda Barcelona maadaama uusan taageeradii uu u baahnaa ka helin qolka lebiska. Tababare Ernesto Valverde ayaana xiddigaan keydka dhigay kulankii Axaddii ay guusha ka gaareen Atletico Madrid ee horyaalka La Liga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip