Hordhac: Arsenal Vs Man City: Gunners Oo Wax Walba U Samayn Doonta Aar Gudasho & City Oo Rikoor Ku Dhigi Karta Gunners

0
Thursday March 01, 2018 - 07:34:16 in Wararka by
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Arsenal Vs Man City: Gunners Oo Wax Walba U Samayn Doonta Aar Gudasho & City Oo Rikoor Ku Dhigi Karta Gunners

    Kooxda Arsenal ayaa kulanka u soo gali doonta in ay ka aar gudato kooxda Man City guuldaradii Finalkii marka ay ku marti galiyaan garoonka Emirates kulan ka tirsan horyaalka premier league.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Arsenal ayaa kulanka u soo gali doonta in ay ka aar gudato kooxda Man City guuldaradii Finalkii marka ay ku marti galiyaan garoonka Emirates kulan ka tirsan horyaalka premier league.


City ayaa Gunners ku ciqaabtay 3/0 Finalkii Carabao cup-ka ee Axadii kana dhacay Wembley xilli hogaamiyaayasha Premier League u soo gali doonaan kulanka si ay u dhamaystiraan shaqadii ay bilaabeen Axadii una sii dheeraystaan hogaanka horyaalka.

Gunners ayaa sidoo kale doonaysa in ay city dusha u saarto guuldaradii 2-aad ee horyaalka premier league xilli ciyaareedkan kuna dhawaato kooxda kaalinta 4-aad ku jirta.

Kulanka: Arsenal Vs Man City

 

Tartanka: Premier League

Wakhtiga:10:45 Habeenimo



Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:


Arsenal ayaa badisay kaliya labo jeer 11-kii kulan ee Premier League ee ugu dambeysay ee ay la ciyaareen Manchester City,laakiin Citizens ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 20ka kulan ee ay marti u ahaayeen Gunners.

Gunners ayaa dooneysa inay iska ilaaliso in ayna 10 kulan oo premier League ah shabaqeeda ilaashan markii ugu horaysay tan ilaa 11 bishii February 2002.

Dhibcaha ay haatan haysato kooxda Man City ee ah 72 dhibcood ee ay ka heshay 27-kii kulan ee ay ciyaartay ayaa ah dhibcihii ugu badnaa ee la helo taariikhda tartanka, hadii ay Arsenal ka badiyaana waxa ay bar-barayn doonaan dhibcihii ay Arsenal xilli ciyaareedkii hore oo dhan heshay.

Sergio Aguero ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka horyimid Arsenal tartamada oo dhan. laakiin waligii gool kamuu dhalin 6 kulan oo xiriir ah hal kox oo kaliya la ciyaartay Man city.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip