ADOONSIGII KA JIRAY SOOMAALIYA IYO DADKII LAKALA IIBSADAY (XAQIIQ)

0
Friday December 18, 2015 - 20:23:47 in Maqaallo by
  • Visits: 1567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ADOONSIGII KA JIRAY SOOMAALIYA IYO DADKII LAKALA IIBSADAY (XAQIIQ)

    Wiilkeeyga oo arday ah ayaa caawa oo jimca ah I weeydiiyay ,Aabe Somalia dad miyaa la adoonsan jiray? Waxaan uga sheekeeyay dadkii la adoonsan jiray iyo dariiqyadii la marsii jiray marka laga keeno adoonta Ethiopia lama keeni jiray waqooyiga Somalia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilkeeyga oo arday ah ayaa caawa oo jimca ah I weeydiiyay ,Aabe Somalia dad miyaa la adoonsan jiray? Waxaan uga sheekeeyay dadkii la adoonsan jiray iyo dariiqyadii la marsii jiray marka laga keeno adoonta Ethiopia lama keeni jiray waqooyiga Somalia iyo kuwii laga keeni jiray

tansaaniya lana keeni jiray koofurta Somalia,waxaan u shaagay dhaliyaro uu yaqaan oo Abkoow yaashood ka ganacsan jireen adoonta.wuxuu igu yiri : Aabe cadeeyn ma u heeysaa? Waxaan iri hadda waa habeen subixii I xasuusi.

Subaxdii ayaan sii wadnay mowluucii,waxaan tusiyay markhaati Buuga Taariikhu Soomaal Qadiiman wa xadiisan, kadibna waxaan ku Iri soo qabo Filkaa cagaarka ah: fiiri Dokumentigan dadka lagu kala gadan jiray ee suuqa xamar weyne, meesha hadda suuqa malaaygu ku yaal, fiiri mar kale bogga 184 qoraalka Maxkamaddu ansixisay ee iibka addoonta, waqadda No. 269, taa oo ay ku cadahay in Yaasiin Cabdul Magiirtiin uu ka gatay Nuur Cali Muuse naag la yiraa Ahoobooy kana siiyay 80-Liiro, waxaa marqaati ka ahaa 30-qof beecaas waxaa ansixiyay qaalli: Muxudiin Casbik taariikhdu markey aheyd 20-kii Ok. 1901, canshuurna waxaa Dowladda loo siiye 1 Liiro, isla maalintaa 20-kii Ok. 1901 waxaa la iibiyay Salla Khadiijo iyo Labadeedii caruurta aheyd waxaana lagu gaday 200-Liiro & 2-Liiro oo canshuur ah, wiilkeeygoow tani waxa ay dhacday qarnigii 20aad ee labadeenuba aan dhalanay, wiilkeeygoo fiiri marqaati kale isla buugaa taariikhu Soomaalida 7-dii September. 1902 waxaa la iibiyay 2-naag oo la kala yiraa Caasho & Xaamoole iyo nin Muudeey la yiraah waxaana lagu gaday 211-liiro beecaa waxaa diiwaan geliyay xisaabiyihii Talyaaniga Sig. Judiyo Masosheli isla xisaabiyuhu wuxuu diiwaan geliyay Bilaaloo 90-liiro lagu iibiyay iyo 1 liiro canshuur, wiilkeeygoow bal fiiri Documentigan kale:isla maalintaa waxaa la iibiyay labo nin & naagqabiilka Danaakiil ah oo lagu iibiyay 135-liiro iyo 2-liiro canshuur ah.

Sidoo kale qaaliga baraawe wuxuu diiwaan geliyay 15-kii April 1895-kii addoon lagu iibiyay 45-liiro,beecaa oo ku yimid dhaxal ahaan markii ninkii lahaa dhintay, waxaana dhaxlay 3 nin oo walaalihiis ahaa. 22-kii Maarso 1900 waxaa diiwaanka ku qoran in Rahan 50-liiro ah bedelkeedii loo dhigay 3-addoon.

Fiiri Documentigan kale,27-kii Juun 1903 Haweeneey addoon aheed oo codsatay in la xoreeyo bacdamaa ay guursatay nin horay loo xoreeyay oo la yiraah Hilowle ayaa lagu xiray lacag u dhiganta 50-Doolar oo hadda jirta, inkastoo sharcigu markaa qorayay in la xoreeyo hadeey nin xor ah guursato. Inkastoo markaa ka dib sharci laga soo saaray joojinta iibka dadka hadana qabaa’ilkii qaar ka ganacsan jiray addoonta ma oggolaan, suuqyadii B/Dheere & Luuqna weli way sii jireen.

Intii u dhaxeeysay 1800-1890 in kabadan 300,000 adoon ayaa laga soo iibsaday suuqa adoonta ee Zinzibar loona soo qaaday Somalia si looga sii iibiyo carabta,adoontaa badankoodu waxa ay ahaayeen qoowmiyadaha Majindo, Makua, Nyasa, Yao, Zalama, Zaramo iyo Zigua oo ku noola tanzaniya , Mozambique iyo Malawi. Waxaa kale oo laga keeni jiray xeebaha Kenya. Oromada waa la leey jiray ragga laakin haweenka iyo gabdhaha yar yar waa la soo wadan jiray badanaa adoon ahaan looma gada jirin ee waa la guursan jiray,xataa wiilasha yar yare e oromada waa la korsan jiray waxa uuna noqon jiray qowsaar qoyska ka tirsan.


Wiilkii ayaan ku iri ii xareey documentigan,dad kale ayaa u baahan doono cadeeymo marka ay wax ka qorayaan Somalia iyo adoonsiga.

Waxaa Diyaariyay:
Prof. Yaxye Sh. Caamir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip