Maanta oo Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta la magacaabay

0
Monday February 19, 2018 - 18:21:04 in Wararka by
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta oo Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta la magacaabay

    Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta ayaa la magacaabay, kaddib shir degdeg ah oo ay goor dhow yeesheen Golaha Wasiirada. Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed, halka Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta ayaa la magacaabay, kaddib shir degdeg ah oo ay goor dhow yeesheen Golaha Wasiirada. Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed, halka Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen, halka Taliyaha Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir
Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay xilkan u hayay.

Bashiir Cabdi Maxamed ayaa horay u ahaa Taliye kuxigeenka Booliska, isagoo haatan u dalacay xilka Taliyaha Booliska.

Sidoo kale Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cusmaan ayaa horay u soo noqday Wasiir kuxigeenka Caafimaadka, waxaa uu ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle

Magacaabidan ayaa aheyd mid aan la fileyn, marka loo eego shaqsiyaadka xilalka loo

 

magacaabay, waxaa horay suuqa ugu jiray shaqsiyaad dhowr ahaa oo aad loogu badinayay xilalka, balse aakhirkii dambe meesha ka baxay.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa soo dhamaaday, iyadoo saxaafada looga warbixiyay magacaabida Taliyeyaasha iyo waxyaabihii kulanka looga hadlay oo saacado badan qaatay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip