Xaniinya dhirir ma doonan,Qofnimana PhD ma doonto=Nasashada Jimcaha.Q-83aad.=

0
Friday February 16, 2018 - 17:29:40 in Wararka by
  • Visits: 1139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaniinya dhirir ma doonan,Qofnimana PhD ma doonto=Nasashada Jimcaha.Q-83aad.=

    1-Wiil 7-sanno jir ah ayaa lagu soo eedeeyay fal kufsi ah. Gabar Qareen ah ayaa difaaceysay.Markii maxkamadda la keenay ayay cowradiisa dadka tustay iyada oo gacanta ku taabaneeysa kuna tiri: bal fiiriya,waxay leeyihiin waxbuu kufsady. Wiilkii yar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Wiil 7-sanno jir ah ayaa lagu soo eedeeyay fal kufsi ah. Gabar Qareen ah ayaa difaaceysay.Markii maxkamadda la keenay ayay cowradiisa dadka tustay iyada oo gacanta ku taabaneeysa kuna tiri: bal fiiriya,waxay leeyihiin waxbuu kufsady. Wiilkii yaraa ayaa ku yiri qareenadii: Ha taataaban ,hana nagu ruxruxin haddii kale Kiiska Dacwada waa lagaaga guuleeysanaya. ( Mucaaradoow Dowlad 1 sanno jirta hanagu taabanina , haddii kale dacwada waa la idiinkaga guuleysanayaa, iyagana kufsiga aad ku eedeenaysiin ayaa ku cadaanaya, labadiinuba waad wada khasaareysiin.dal saddaxaad dantii ahaa).

2- Sh. Colaad oo reer Cadaada ahaa ayaa turjubaannimo ugu shaqeeynayay,Hay’ad sama fal oo carabta laga lahaa, waxaa Xamar yimid shiikhii maalgalin jiray Hay’adda, sh. Colaad ayaa u raacay kormeer uu ku aadayay Gobalka Hiiraan.Markii Jowhar la marayo ayaa carabkii yiri: Hunaa Qabiilatu min? inta Qabiilkee degan? Sh. Colaad oo umaleeya in magcaha xatta la tarjumo ayaa yiri: Qabiilatu ( Abul Kufaar=Abgaal), carabkii ayaa yiri: subxaana Allaah,Abul kufaar fi soomaal. Markii Buula burte la marayo ayuu Carabkii weeydiiyay,Hunaa Qabiilatu min, sh. Colaad ayaa yiri: (Qabiilatu, Fii La’laalin Mubiinin=Baadi cade).Markii Balad weyne la tagay ayuu carbkii weeydiiyay, colaad ayaa yiri: ( Qabiilatu Xubul kufaar=Gaal jecel).Markii la soo noqday Carabkii macaawinaddii waa joojiyay. Fiiri sawirka 1aad.

( Haddii Heshiis la galayo,haloo diro 3 ruux, qof Luuqadda si fiican u yaqaan, qof sharciga si fiican u yaqaan iyo qof waxa la saxiixayo danta Dowladu ka leedahay, iyo faa’iidada ummadda ugu jirta yaqaan).

3-Koox doqonnimo iyo fulaynima isku darsaday oo ka shaqeeyn jiray garaash xamar jadiid ku yiil ayaa Gaalkacyo shaqa u tagay.Magaaladii ayaa ku soo xoontay oo kabaqday, una argtay Geesi Laba Xiniinyood ah, ninkii uu u shaqeeynayay ayaa yiri: war adaa ragga xiniinya dheere i raac geelbaa reeraha laga dhacaye. Gaalkacyo lug ayuu uga soo baxay. Fiiri sawirka 2aad.

( Xaniinya dhirir ma doonaan, Qofnimana PhD ma doonto, ee qof wax tar ah ayaa loo baahan yahay).

4-Nin ayaa xaaskiisa dugsi qur’aan geeyay si ay qoraanka u barato.markii ay guriga timid ayuu ninkeedii arkay duudkeeda oo wada gaduudan, dhiigna ka da’yo, waxa ay tiri: Aaayad Qur’aan ah ayaan gafay, macallinkii ayaana sidaan ii garacay.Ninkii oo careeysan ayaa dugsigii tegay. Cabaadkii macallinka xaafadii ayaa isagu soo baxday. ( Yaa Gardaran labadaa?) . fiiri sawirka 3aad.

5- Nin ayaa xaaskiisa u soo iibiyay,hal darsi 12-xabo oo kastuumo(Nigis) iskuna wada medeba ah. Markaa ayeey iyada oo careeysan ku tiri: waxaan isku midabka ah,Dadku waxa ay u maleeynayaan in aanan heeysan wax aan isaga bedelo. Ninkii ayaa yiri: Dadkee?????. Hadalkii waa xirmay. Sheeg Jawaabta u furan haweentaa?.

6- Adinkaan udiin dhaafay.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip