Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Man City Xasuuqday Basel Ee Wareega 16ka Champions League – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

0
Wednesday February 14, 2018 - 08:04:17 in Wararka by
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Man City Xasuuqday Basel Ee Wareega 16ka Champions League – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

    Manchester City ayaa talaabo weyn u qaaday wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Basel lugta hore ee wareega 16ka oo ka dhacday St. Jakop-Park.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaa talaabo weyn u qaaday wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Basel lugta hore ee wareega 16ka oo ka dhacday St. Jakop-Park.



City ayaa seddex gool ku hogaamineysay 24 daqiiqo gudaheed waxaana ay uga mahadcelinayaan gool madax ah uu dhaliyay Ilkay Gundogan (14), kubad isku laab ah uu xareeyay Bernando Silva (18) iyo kubad gantaal ah oo uu dhaliyay Sergio Aguero oo aheyd goolkiisii 198aad ee kooxda daqiiqadii 23aad.

Basel ayaa rigoore xoogan oo ay u dooday laga diiday laakiin City ayaa natiijada waxaa u sii xaqiijiyay goolkii labaad ee uu Gundogan dhaliyay daqiiqadii 53aad.

Waxa ay natiijada la micno tahay in City ay hal lug kula jirto wareega sideed dhamaadka oo ay markii labaad u soo baxeyso hadii aysan Basel mucjiso soo laabasho ah sameynin lugta labaad ee Etihad 7da bisha March.

Xiddiga Garoonka – Ilkay Gundogan

Indhaha oo dhan waxa ay ku sii jeedeen Sergio Aguero ka dib afartii gool ee uu ka dhaliyay Leicester City laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa xaday bandhiga ciyaarta. Waxa uu ahaa wadnaha ay ku dhaqdhaqaaqeysay City, xiddiga Jarmalka ayaa furay soona xiray goolashii ay City ku badisay iyadoo uu daawanayay macalinka xulka Jarmalka Joachim Low. Haddii uusan ahaan laheyn shaqada cajiibka aheyd ee uu xilligii danbe qabtay Tomas Vaclic, Gundogan waxa uu dhalin lahaa seddexleey.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Basel: Vaclik (4), Lacroix (5), Xhaka (5), Suchy (5), Lang (5), Frei (5), Serey Die (5), Riveros (4), Elyounoussi (5), Stocker (5), Oberlin (6).

Bedel: Ajeti (5), Bua (5).

Man City: Ederson (7), Walker (7), Kompany (7), Otamendi (7), Delph (7), Fernandinho (7), Gundogan (9), De Bruyne (8), Sterling (7), Bernardo (8), Aguero (8).

Bedel: Danilo (n/a), Sane (6), Silva (6).



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip