Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Newcastle vs Manchester United

0
Sunday February 11, 2018 - 18:20:20 in Wararka by
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Newcastle vs Manchester United

    Manchester United ayaa isha ku heysa inay guul ka gaarto kulanka ay u safrayaan Newcastle United galabta oo axad ah. Red Devils waxay shan dhibcood ka sareysa kooxda kaalinta seddexaad ee Liverpool, waxaana ay dooneysaa inay ka badiso Newcastle oo a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa isha ku heysa inay guul ka gaarto kulanka ay u safrayaan Newcastle United galabta oo axad ah. Red Devils waxay shan dhibcood ka sareysa kooxda kaalinta seddexaad ee Liverpool, waxaana ay dooneysaa inay ka badiso Newcastle oo aan guuleysan afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA:St James Park

SAACADA: 5:15 PM

MAXAA CUSUB?


Benitez ayaa xaqiijiyay jimcihii in Islam Slimani uu tababar la qaatay kooxda, laakiin waxaa la fahamsan yahay in weeraryahanka amaahda ay kaga soo qaateen Leicester City uusan ciyaari doonin kulankiisii ugu horeeyay Magpies.

Weeraryahanka amaahda uga maqan Chelsea Kenedy ayaa mar kale kusoo bilaaban doona booskiisa weerarka, laakiin ciyaarta ayaa waxaa si dhakhso ah loogu arki doonaa daafaca reer Spain Jesus Gamez.

Benitez ayaa go’aan ku gaaray inuu ciyaaro weerar dhexe, iyadoo Ayoze Perez la rumeysan yahay inuu yahay ciyaaryahanka booskaasi ku wanaagsan.

Dhanka United, Daley Blind iyo Eric Bailly ayaa weli ka maqan kooxda koowad, laakiin Mourinho ma lahan dhaawacyo cusub oo uu ka walwalsan yahay kadib guushii Huddersfield ee todobaadkii hore.

Paul Pogba iyo Anthony Martial ayaa kusoo bilowday kursiga keydka kulankii ugu dambeeyay, laakiin labadoodaba waxay kusoo laaban karaan shaxda koowaad.

Dhanka kale, Ashley Young iyo Phil Jones ayaa la rajeynayaa inay ku soo laabtaan afarta daafac dambe ee kooxda Manchester United.

XAQIIQADA KULANKA

United ayaa 4-1 ku garaacday Newcastle markii labada kooxood ay ku kulmeen Old Trafford bilowgii xilli ciyaareedkan, Martial, Chris Smalling, Pogba iyo Lukaku ayaa dhamaantood shabaqa usoo taabtay Red Devils.

Kulankii ugu dambeeyay Premier League ee St James Park ayaa ku dhamaaday 3-3 bishii January 2016kii, iyadoo Paul Dummett uu dhaliyay goolka barbaraha kooxdiisa waqti dambe.

Newcastle ayaan ka badin United kulan Premier League tan iyo 1-0 kaga adkaatay ciyaar ka dhacday Old Trafford bishii December 2013kii.

United guuldarro kala kulmin guriga Newcastle horyaalka tan iyo bishii January 2012kii .

Kulanka galabta ayaa ah kii 165aad ee labada koox ku kulmaan tartamada oo dhan, United ayaa badisay 84 kulan, haka 41 jeer guul gaartay Newcastle.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Newcastle:Darlow; Yedlin, Lascelles, Clark, Dummett; Ritchie, Diame, Shelvey, Kenedy; Perez; Gayle

Man United:De Gea; Valencia, Jones, Smalling, Young; Pogba, Matic; Martial, Lingard, Sanchez; Lukaku




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip