Faah Faahin: War murtiyeedkii shirka madasha wada tashiga qaran ee doorashada 2016

0
Thursday December 17, 2015 - 12:08:09 in Wararka by
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: War murtiyeedkii shirka madasha wada tashiga qaran ee doorashada 2016

    Iyadoo shalay magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka labaad ee madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayay hanaanka doorasho ee sanadka 2016 ka dhici doona shirka ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban todobo qodob.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo shalay magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka labaad ee madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayay hanaanka doorasho ee sanadka 2016 ka dhici doona shirka ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban todobo qodob.

Inkastoo Madaxda Soomaalida uu is mari waa ka dhex taagnaa qaabka doorsho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2016, hadana is jiid-jiid dheer kadib waxaa la wada qaatay labadii qodob ee la isku hayay, iyadoo si isku dheeli tiran loo wajahayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo shirka ka hor akhriyay qodobada madasha ayaa sheegay in qodobadan ay yihiin kuwo muhiim ah, isla markaana Madaxda isku raaceen.

Qodobada ugu muhiimsanaa ee ku xusnaa war murtiyeedka Madashan labaad ee Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1. Inaysan jirin wax muddo kororsi ah marka uu dhammaado xilliga muddada dastuuriga ee hay’adaha dowladda.

2. Dhismaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare waa inay qayb ka ahaadaan hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka.

3. Doorashada labada aqal waa inay ku saleysnaadaan isku dheelitir qabiil iyo degaan.

4. In ergooyin doorasho ay ka qeyb qaataan doorashada xildhibaannada Baarlamanka, taas oo ka dhacaysa caasimadaha dowlad goboleedyada. Ergooyinka waa inay metelaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada iyo ururrada bulshada .

5. Inay jirto kuraas cayiman oo ka mid ah labada aqal, kuwaas oo loo qoondeeyay haweenka. Waa in la xoojiyaa xuquuqda dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay.

6. In la isku raaco qorshe hawl-fulin siyaasadeed cad oo qeexaya meel marinta hannaanka doorasho ee sannadka2016-ka, iyo mid kale oo caddeynaya sidii dalka doorasho qof iyo cod looga hirgelin lahaa sannadka 2020-ka. Qorsheyaashan waa inay qeyb ka noqdaan heshiiska kama dambeysta ah ee hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka.

7. Kadib wadatashi ay hoggaamiyeyaashu ugu noqdaan degaannadooda, waa in faahfaahinta kama dambeysta ah ee hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka, iyo qorshe fulineed la isku raacaa, kulanka lagu qaban doono magaalada Kismaayo 10-ka bisha Janaayo sannadka 2016-ka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aan la garab marin Baarlamaanka, isagoo xusay in qodobadan iyo dhamaan kulamada wada tashiga waxyaabaha ka soo baxa la hor-keeni doono Baarlamaanka, si uu u meel mariyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip