Rooney: "waan ogahay waqtiga uu Kane ku biirayo Madrid!".

0
Wednesday February 07, 2018 - 08:58:13 in Wararka by
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rooney: "waan ogahay waqtiga uu Kane ku biirayo Madrid!".

    Halyeyga xulka England haatana u ciyaara kooxda Everton Wayne Rooney ayaa hoosta ka xariiqay in weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane uu ku biiri doono kooxda Real Madrid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeyga xulka England haatana u ciyaara kooxda Everton Wayne Rooney ayaa hoosta ka xariiqay in weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane uu ku biiri doono kooxda Real Madrid.







Rooney ayaa xalay markii ugu horaysay ka qayb qaatay Barnaamijka Monday Night Football ee Sky Sport isaga oo kaga hadlay waxyaabo badan.


Kane ayaa haatan ah hogaamiyaha gool dhalinta horyaalka Premier league isaga oo dhaliyay 22 gool laakiin waxa ay su,aal ka taagan tahay ilaa intee ayuu sii joogo doonaa Tottenham.


 

 

Real Madrid ayaa xiiso waali ah u qabta xiddiga iyada oo kooxda difaacanaysa champions league isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo adeegiisa.


Rooney ayaa aaminsan in aanu Kane kooxdiisa ku qasbi doonin in ay ka iibiso Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedka laakiin uu aaminsan yahay in uu xilli ciyaareedka 2020 u dhaqaaqi doono kooxda caasimada.


"Wakhti xaadirkan waa weeraryahanka ugu fiican yurub”ayuu Rooney u sheegay Sky Sport.


"Waxa uu tagi karaa meesha uu doonayo, waxa uu leeyahay tayada uu ugu biiri karo koox kasta oo adduunka ka ciyaarta”.


"Dhibaatada ayaa ah in ayna Kooxda Tottenham koobab kula guulaysan karin xitaa hadii uu goolal badan dhalinayo”.


"Hadii ayna Tottenham koob ku guulaysan xilli ciyaareedka dambe, waxa laga yaabaa in uu ku biiro Real Madrid xilli ciyaareedka xiga si uu koobab ugu guulaysto”.


Harry Kane ayaa todobaadkan goolkiisii 100aad ka dhaliyay Horyalkan Premier League.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip