Kooxdii Wareega Shanaad Ee FA Cup La Ciyaari Laheyd Manchester United Oo La Ogaaday

0
Wednesday February 07, 2018 - 08:30:21 in Wararka by
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxdii Wareega Shanaad Ee FA Cup La Ciyaari Laheyd Manchester United Oo La Ogaaday

    Huddersfield ayaa dhalisay seddex gool waqtigii dheeriga ahaa iyagoo 4-1 uga badiyay kooxda Birmingham kulankii ku celiska wareega afaraad ee FA Cup ee xalay ka dhacday garoonka St Andrews.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Huddersfield ayaa dhalisay seddex gool waqtigii dheeriga ahaa iyagoo 4-1 uga badiyay kooxda Birmingham kulankii ku celiska wareega afaraad ee FA Cup ee xalay ka dhacday garoonka St Andrews.

Che Adams oo aan si dhif iyo naadir ah ugu soo bilowda shaxda Birmingham ayaa kor u qaaday rajada kooxda martida loo ahaa markii uu hogaanka u dhiibay ciyaarta oo socota todoba daqiiqadood, laakiin waxaa ciyaarta barbaro ka dhigay markii ay saacad socotay gool uu iska dhaliyay Marc Roberts.

Huddersfield oo ku jahwareersaneyd wacdaraha uu dhigayay goolhayaha Birmingham David Stockdale ayaa labo gool oo degdeg ah dhalisay waqtigii dheeriga oo ay kala saxiixeen Steve Mounie iyo Rajiv van La Parra ka hor inta uusan Tom Ince xaqiijinayay goolka afaraad daqiiqadii 106aad

Natiijadaan ayaa la micno ah in kooxda tababare David Wagner ee Huddersfield inay wareega shanaad ee FA Cup inay gurigooda kula ciyaarayaan kooxda Manchester United.

Huddersfield ayaa kulankii ugu danbeeyay ee Premier League ee ay ku ciyaarayeen Old Trafford waxa ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Manchester United oo 2-0 ku badisay ka dib goolal ay kala dhaliyeen Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip