Horta Geedkii yaa gooyay?.

0
Tuesday February 06, 2018 - 19:39:42 in Wararka by
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horta Geedkii yaa gooyay?.

    Walaalayaaloo, inta aanan kala seexan,hal su'aal ayaan qabaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Walaalayaaloo, inta aanan kala seexan,hal su'aal ayaan qabaa.

Waxaa murug iyo calool xuma igu haya khilaafka iyo tala xumida jirta. Waxaan u soo joogay, maqlina jiray in Somalida dhibaata kasta oo kala gaarta ay dhaxdooda ka xalisan jireen, iyaga oo geed hoos fadhiya. Ma jirin cod baahiyayaal, samaacado dhagaha la gashado, Hoolka shirarka,astaan ka qayb galayaasha qoorta loogu xiro, ka qayb galayaasha dharkooda iyo dhawaqooda waxaa ka muuqday dhaqanka ummadda, mana jirin cid ajnabi ah oo dhaxdhaxaadin u joogta.

Xaajada curataa iyo mid caada ahba waa la xalin jiray, wixii lagu heshiiyana waa la fulin jiray,duub iyo culuma loola noqdana waa jiri jirtay.

Akhyaareey Horta geedki yaa gooyay? Jirida hartay haddaan waraabino ma soo fufee?.

Maan kaa maqan maskax walaalkaa ayuu ku jiraa ayaa la yiri, ee aan aqoontiina iyo garadkiina ka faa’iideeysto.

Berri markaan soo tooso ayaan idinka sugayaa, jawaabta Horta Geedkii yaa gooyay? Hadaanan ku riyoon!

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip