Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka digay Colaado sokeeye oo ka qarxa dalka Burundi

0
Thursday December 17, 2015 - 11:58:50 in Wararka by
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka digay Colaado sokeeye oo ka qarxa dalka Burundi

    Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon ayaa ka digay dagaalo sokeeye oo ka dillaaca dalka Burundi, xilli rabshadaha ka taagan dalkaa ay cirka isku sii shareerayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon ayaa ka digay dagaalo sokeeye oo ka dillaaca dalka Burundi, xilli rabshadaha ka taagan dalkaa ay cirka isku sii shareerayaan.

Ki-moon oo shir jaraa’id ku qabtay New York ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha iyo dilalka kasii socda & dilalka joogtada ah ee loo geysanayo shacabka. isagoo yiri. "Waxaan ka naxay qalalaasaha iyo rabshadaha Burundi ka socda, waxaa ka wal-wal-sanahay in dagaalo sokeeye inuu ka dillaaco dalka Burundi,” ayuu Ki-Moon ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Sidoo kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Burundi uu u dirayo la-taliyihiisa gaarka ah, si hoggaamiyeyasha dalkaas, kuwa gobolka iyo Midowga Afrika ay ugala hadlaan xaalada sii xumaaneysa ee Burundi.



Dalka Burundi ayaa waxaa toddobaadkii hore ka dhacay dilal loo geystay 87-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidammo, kaddib rabshado iyo iska-horimaadyo 24-saac ka dhacayay gudaha iyo dulleedka magaalada xarunta ah ee Bujumbura.

Tan iyo markii ay rabshadaha Burundi dillaaceen ayaa waxaa lagu dilay 320-qof dad ka badan; iyadoo tiro intaas ka badanna lagu dhaawacay, sidoo kalena waxaa dalkaas ka barakacay kumannaan qof oo dalalka gobolka qoxooti ku ah.

Ugu dambeyn, hadalka xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa imaanaya xilli ay QM horay u sheegtay iay ciiammo nabad ilaalin ah u dirayso Burundi, haddii xiisadaha ka taagan ay kasii daraan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip