Hordhac: Burnley Vs Man City: Bar-Baro Ama Guuldaro Ay Man City Gasho Oo Xasuusin Doonta Rikoor Ay Dhigtay 3 Sano Ka Hor

0
Saturday February 03, 2018 - 08:25:35 in Wararka by
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Burnley Vs Man City: Bar-Baro Ama Guuldaro Ay Man City Gasho Oo Xasuusin Doonta Rikoor Ay Dhigtay 3 Sano Ka Hor

    Kooxda Man City ayaa kooxda Burnley ku booqdan doonta garoonkeeda Turf Moor kulan ka tirsan todobaadkii 26-aad ee horyaalka Premier League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Man City ayaa kooxda Burnley ku booqdan doonta garoonkeeda Turf Moor kulan ka tirsan todobaadkii 26-aad ee horyaalka Premier League.



Man City oo ay 3 kulan oo adag isugu xigaan kulankan kadib ayaa isha ku haysa in ay jeebka ku shubtaan 3-da dhibcood ee ciyaarta.

Kooxda Tababare Guardiola ayaa doonaysa in ay ku sii dhawaato in ay wakhti hore ku guulaysato horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Burnley Vs Man City

 

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 03:30 Galabnimo


XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Garoonka
: Turf Moor


Burnley ayaa ka mid ah 7 kooxood oo aan wali kaarka cas loo taagin xilli ciyaareedkan laakiin waa kooxda ugu badan ee xiddigaha ka soo hor jeeda kaarka cas loo taagay 5 xiddig oo kooxaha ka soo hor jeeda ah ayaa loo taagay.
Man City ayaa bar-baro la gashay Crystal Palace guuldarana kala kulantay Liverpool labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, laakiin 3 kulan oo xiriir ah oo premier league ah guul la,aan may bixin tan ilaa May 2016.

Laba ka mid ah xiddigaha 20 gool oo caawin iyo dhalin ah ku lug leh xilli ciyaareedkan ayaa u ciyaara kooxda Man City waana xiddigaha Sergio Aguero (22) Iyo Raheem Sterling (20).

Aguero ayaa dhaliyay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor tagay kooxda Burnley tartamada oo dhan isaga oo ka dhaliyay 6 gool.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip