Somaaliyeey Dekeda bixisaye,deeqaha nala siinayo ameyna daawa ahayn oo.. NASASHADA JIMCAHA.Q-81 aad

0
Saturday February 03, 2018 - 00:11:31 in Wararka by
  • Visits: 907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaaliyeey Dekeda bixisaye,deeqaha nala siinayo ameyna daawa ahayn oo.. NASASHADA JIMCAHA.Q-81 aad

    1-Qoys ayaa soo gatay wan 3 bil Ciidul Adxaha ka hor si maalinta ciida loo qalo, mudadaa 3-da bil ahayd wuxuu cunayay waxay reerku cunaan, cabitaankana waa la wadaagayay, qol fiicanna waa lagu xareyn jiray.wuxuu aaminay inuu reerka ka mid yahay. S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Qoys ayaa soo gatay wan 3 bil Ciidul Adxaha ka hor si maalinta ciida loo qalo, mudadaa 3-da bil ahayd wuxuu cunayay waxay reerku cunaan, cabitaankana waa la wadaagayay, qol fiicanna waa lagu xareyn jiray.wuxuu aaminay inuu reerka ka mid yahay. Subaxdii Ciida ee lagu qadayn lahaa, ayaa la arkay wankii oo ooynaya,markii la weydiiyay maxaa kugu dhacay,wuxuu ku jawaabay: Ciddaha deriska ah cid waliba waxay soo gadatay Wan ay ku ciido,annaga maxaa naga reebay!( war mooge inuu Cidda ka mid yahay ayuu isku heystaa. Fiiri sawirka 1-aad.

(Somaaliyeey, Ar reer Diaspora,armaad isku maleeysaan inaad ka tirsan tihiin reerka passporka idin siiyay,walee Ciida waxbaa idin sugaya,ee intaan Ciida la gaarin labadiina lugood mid Soomaaliya geysta, masaakiintana Soomaaliya joogtana yaan lagu roogsan).

2- Oday riixloow ah oo lafuhu xanuun Karoonikaa qaba ayaa isaga oo jiifa jalbeebta gurigiisa, ayuu u yeeray wiilkiisii si uu ugu roog roogsado, intaan wiilkii imaan ayaa TAXI soo fariin goostay uu qaarka dambe ka maray odaygii. Wuxuuna u maleeyay wiilkii , markaa ayuu yiri: Maandhoow illaa madaxa soo wad.
(Somaaliyeey Dekeda bixisaye. deeqaha nala siinayo ameyna daawa ahayn oo ka tan weeyn yihiin cudurka na hayo).
3-Ali Caato ayaa shaar ka gadanayay Bacadlaha Gaalkacyo,markuu shaarkii gashaday si uu isagu cabiro, ayuu arkay inuu aad uga weyn yahay,markaa ayuu dukaanlihii ku yiri: Adeer shaarku waa iga weyn yahay ee iga bedel. Dukaanlihii ayaa ku yiri: Iga waloo shaarku ma weyna ee adigaa caata ah,waana kaa gadan yahay. Fiiri sawirka 2aad

( Somaliyeey wax badan oo aadan u baahneeyn ayaa kaa gadan)

4-Oday ayaa lagu yiri: Naag yar guurso, markaa ayuu yiri: Tii weyneed ayaan tabar u la’ahay .waxaa la yiri: hebel oo kaa weynba gabar yar ayuu guursaday, oo cabaadkeeda habeenkii lagama seexdo. Odaygii ayaa yiri: waxa ay la ooyneeyso maskiintaas maxaad ka ogtihiin, armeey fool xumadiisa ka naxday, asaguna dhagta ka qaniinay. Fiiri sawirka 3aad.

( Somalieey mucaaradka waxa ka qeylisiinayo amaa dhagaha laga qaniinyay,waxaaba la leeyahay Kenyaaba naga codsatay khubarada ku takhasustay mucaarad soo qabashada, si ay Raila Odinga u soo xiraan)

5-Tuug ayaa reer u soo dhacay, xaaskii ayaa ku tiri: waryaa bax oo tuuga naga eri. Ninkii markuu banaanka u soo baxay ayuu arkay tuugii,niikii waa gariiray, tuugiina waa fahmay in uu ninku cabsanayo. Tuugii ayaa ku yiri: waryaa xageed u socotaa? Ninkii oo gariiraya ayaa yiri: Musqusha. Tuugii ayaa yiri: Garuunkaan aad gacanta ku heeyso xageed u wadataa? Ninkii oo si hoosa u ooynaya ayaa yiri: waan ku cadayeeysanayaa. Fiiri sawirka 4aad.

( Somaliey, kuleeylka bisha Marso, Lix saac oo maalmeed , madaxda Jakadaha wadato,ma qabow ayey ka raadinayaan,mise baraf ayaa jeebka ugu jiro)

6-Nin kirishtaan ah ayaa nin Hindiya weydiiyay,qof hadduu idinka dhinto maxaad ku sameeysiin? Hindigii ayaa yiri: waan gubnaa. Hindigii ayaa markiisa weydiiyay, Adinka kirishtaanka ah haddi qof idinka dhinto maxaad ku sameeysiin? Gaalkii kirishtaanka ahaa ayaa yiri: waan aasnaa, kadibna Allaah ayaa Guba.

( Somaliyey sidaan haddaan ku sii socono waxaan ka cabsaa in labada marba aan gubano,illeyn sidii dab looga bad baadi lahaa ee islaamku noo sheegay nagama muuqatee).

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip