Goobaha waxbarashada ee Magaalada Los Angeles oo si deg deg ah lagu xiray (SAWIRRO)

0
Wednesday December 16, 2015 - 08:45:27 in Wararka by
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goobaha waxbarashada ee Magaalada Los Angeles oo si deg deg ah lagu xiray (SAWIRRO)

    Iyadoo ay si habsami leh ay duruusta kaga socoto goobaha waxbarasho Magaalada Los Angelese Ee Gobolka California, ayaa si lama fillaan ah lagu xiray. Ciidan boolis ah oo wata gaadiidka askarta, ayaa ku amray Maamulada in ay albaabada u laabaan goo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo ay si habsami leh ay duruusta kaga socoto goobaha waxbarasho Magaalada Los Angelese Ee Gobolka California, ayaa si lama fillaan ah lagu xiray. Ciidan boolis ah oo wata gaadiidka askarta, ayaa ku amray Maamulada in ay albaabada u laabaan goobahooda waxbarasho, waxayna u sheegeen inay jirto halis dhinaca ammaanka ah. Booliska, ayaa sheegay inay suurtagal tahay weeraro lagu qaado xarumaha waxbarashada ee Magaalada Los Angeles, iyagoo ku amray in loo baahan yahay inay digniinta qaataan.

Guddiga waxbarashada ee Los Angeles, ayaa isku raacay inay u hogaansamaan awaamiirta laamaha ammaanka, si loo badbaadiyo nolosha ardayda wax ka barata xarumahooda.

Booliska, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo xiraaya wadooyinka, iskuuladana ka daad gureynaaya ardayda, oo lagu daabulaayay basaska waaweyn ee ardayda loogu talla-galay.

Mareykanka, ayaa waxaa uu ka feejigan yahay in Ururka Daacish iyo ururada kale ee xagjiriinta ah, ay weeraro ka gaystaan dalkiisa.

Wixii ka dambeeyay weeraradii 13-kii November ka dhacay Magaalada Paris, ayaa waxay Wadamada Reer Galbeedku galleen marxalad feejignaan ah.

Los Angeles-Los AngelesLos Angeles1Los Angeles2Los Angeles3Los Angeles4Los Angeles5Los Angeles5-Los Angeles6Los Angeles7Los Angeles8






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip