Xildhibanadu markay codeynayan, armey ku jiraan kuwa badan oo leh..!! NASASHADA JIMCAHA-Q.79aad.

0
Friday January 19, 2018 - 22:33:40 in Wararka by
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibanadu markay codeynayan, armey ku jiraan kuwa badan oo leh..!! NASASHADA JIMCAHA-Q.79aad.

    1-Nin Bakhiil ah ayaa istaagay goobta laga raaco Bas-ka si uu u raaco Baska xaafadiisa tagaya. Waxaa soo dhinac maray Bas kii oo tartiib u socdo. Wuuna ka daba carary , intuu is lahaa waad ka daba tagee ayuu arkay isaga oo gurigiisii hortaagan .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin Bakhiil ah ayaa istaagay goobta laga raaco Bas-ka si uu u raaco Baska xaafadiisa tagaya. Waxaa soo dhinac maray Bas kii oo tartiib u socdo. Wuuna ka daba carary , intuu is lahaa waad ka daba tagee ayuu arkay isaga oo gurigiisii hortaagan .
Gurigiisii ayuu galay isaga oo Faraxsan,Xaaskiisii ayaa weydiisay, wuxuu ku faraxsan yahay. wuxuu ku yiri: Lacagtii Baska ayaa ii baaqatay , oo illaa Guriga aan ka imaado waan soo daba ordayay,isna ma istaagin. Xaaskiisii oo Xanaaqsan ayaa ku tiri: Naga tag Nacasyahow, maxaad TAXI u soo daba carari weyday, Lacag badan ayaa noo Baaqan laheydee.

(Waxaa jira dad badan oo xoogooda iyo orodkoodu uuna u cabirnayn marka ay xil doon yihiin Dayaarad ayay orod ku gaaraan,Maroodina muruqooday ku celi karaan, marka aad doortana Bajaaj ayaa baas gareeyo, Boorsadiisana kor uma qaadi karyo hadaan Dollar ku jirin.(Fiiri Sawirka 1& 2-aad).

2-Nin Afrikaan ah oo is qaawiyay oo xeebta jiifa ayaa koofidiisii kaliya reebtay si uu cowrada ugu qarsado, waxaa soo ag martay boqoradda Ingriiska, askarigii la socday Boqoradda ayaa yiri: war dadka haddii Boqoradu soo ag marto koofida waa iska siibaan, madaxana waa raariciyaan.

Ninkii ayaa yiri: Boqoraddu haddii ay qurxoonaa lehayd koofigu asagaaba iska bxi lahaa, laakin madax raaricin ma jireen.(Fiiri sawirka 3-aad).

( Afrika dadkeedu ayaga oo qaaqaawan ayaey iska joogi jireen, Afrikaankii haddii ay yiraahdeen waan is astureynaa,halkii koofina Boqorada miyaa ka qaadee? ,Reer Galbeedka Haweenka qaar is qaawiya ayay lacag ku siiyaan, kuwa kalena maxaad isku asturtay ayaa loo ciqaabaa. Haddii qaawanaan la isku abaal marinayo, xayawaankaa xaq u leh. Demoqaraadiyada reer galbeedku ha shaqeeyso, Adiguna Xayawaannimo iyo dadnimo kala dooro).

3- Wiil yar oo miyiga laga keenay ayaa Xamar la keenay iyada oo loo dabaal dagayo 21 oktober, wuxuu arkay magaaladii oo nalal lagu qurqurxiyay, 5 sanno markuu xamar joogay ayaa xil sare looga magacaabay safaarada Soomaalida ee Kenya, wuxuu arkay Airporka Kenya oo nalal badan ka ifayaan, wuxuu yiri: ilayn kacaanka barakeysan meel kasta waa laga xusaa!.

(Weli wasaaradda arrimaha dibaddu sidii miyaa?. Qaylo miyaa ka soo yeertay?, Somaliyey Haddii khalad la arko mala sixi karaa? Mise waa "Nin walbow adeerkaa taageer si aan xal loo gaarin”)

4- Dawaco iyo Dameer ayaa isku murmay Midabka Biyaha Badda. Dawacadii waxay tiri: Waa Buluug. Dameerkii wuxuu yiri: waa Casaan. Gartii ayaa Libaax loo geeyay. Libaaxiina 3 sanno oo xabsi ah ayuu Dawacadii ku xakumay. Waxay tiri: Libaaxoow sow baddu buluug ma ahan? Wuxuu yiri: Haa, laakin maxaad dameer ula murantay.

(Weligaa qof Qaaqle ah hala murmin , mid Duub qabiil ku waashay oo kaligii isku magacaabay Ugaaska GUUD ee beel WEYNTA Reer XXX. Iyo mid siyaasi ismooday oo habeenkii ku riyoonaya isaga oo xil haya, subaxiina isku qancinaya in riyadiisu run ahayd iyo in isku shaandheynta dambe uu ku jiro,iyagaaba qayla isagu filan ee yeyna ku oomin- fiiri Sawirka 4aad).

5- Shirkad ayaa shaqa ka banaaneed dad badani soo codsadeen, xulashadii waxaa isagu soo haray Cali & Axmed oo shuruudihii oo dhan isku si u buuxiyay.

Waxaa la go’aamiyay in 10 su’aalood oo isku mid ah lagu imtixaano. Qol ayaa la geeyay mid waliba waxaa la hor dhigay warqadii. Maalintii kale ayaa labadoodii loo yeeray ,waxaana lagu yiri: labadiinuba min 9 su’aal ayaad si sax ah uga wada jawaabteen, midna waad wada qaladeen. Marka waxaan go’aansanay in aan Axmed qaadano.

Cali oo careysan ayaa yiri: Anigu sideen ku waayay,illeyn isku mid ayaan nahaye.Waxaa lagu yiri: waa run labadiinuba waxaad aheydeen isku qibrad, isku tacliin, imtixaankii aad gasheena min sagaal suaal ayaad saxdeen oo min hal ayaad qaladeen, waxaan qaadanay Axmed,sababtuna waxay ahayd : Su’aasha ugu danbeysa ee aad qaladeen, Axmed wuxuu ku qoray (ANIGU MA AQAAN) Laakiin adigu waxaad ku qortay (XATAA ANIGU MA AQAAN).

( Xildhibaanadu markay codeeynayaan, armey ku jiraan kuwa badan oo leh: Xatta Aniguna waan codeeyay,Xildhibaan qof gadan ka sii gadan iga dheh).

6-Abkow 80 jir ah iyo Abooto ayaa u soo maalin joogay wiilkooda si ay habeenkaa ula baryaan, odaygii ayaa qolka wiilka ku arkay kaniiniga (Super Vigra-400mg) wuxuuna ku yiri: Hal xabbo i sii?. wiilkii ayaa ku yiri: waa qaali halkii xabbo waa 10$,aad ayuuna u xoog badan yahay ,mana xamili kartid.

Odaygii ayaa ku yiri: Hal xabbo i sii, berri markii aan baxayo ayaan 10$ barkinta hoosteeda kuu dhigayaa. Wiilkii ayaa subaxdii barkinta hoosteeda ku arkay 110$. Odaygii ayuu telefon u diray kuna yiri: Aabe, qiimahiisu wuxuu ahaa 10$, adiguna 110$ ayaad ii dhaaftay.Odaygii ayaa ku yiri: 100$ ayeeyo ayaa ku dartay. (Fiiri Sawirka 5aad).

( Ayeeyo ma waxeey maqashay wanaaga, ajirkiisa waa la 10 Jibaaraa, Ar ayeeyo halaga duceeysto, mise……ma ogi).

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip