Maxaa ka jira Shirka Culimadda uga socda Kismaayo inuu yahay mid siyaasadeysan?

0
Thursday January 18, 2018 - 21:33:54 in Wararka by
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka jira Shirka Culimadda uga socda Kismaayo inuu yahay mid siyaasadeysan?

    Culimada Somaliyeed ee maalmahanba shirarka uga socday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen waxyaabaha uu ku saabsan yahay shirkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culimada Somaliyeed ee maalmahanba shirarka uga socday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen waxyaabaha uu ku saabsan yahay shirkooda.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa shirka Culimada uga socda magaalada Kismaayo waxa ay qaarkood ku sheegeen inuu yahay mid siyaasadeysan, oo looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka.

Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culimada shirkan ka qayb galaysa oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay shirkan in aanan looga hadleyn arrimo siyaasadeed, balse diirada lagu saarayo keliya wacyi gelinta bulshada.

Sidoo kale wuxuu sheegay Sheekh Bashiir Axmed Salaad shirkan inuusan aheyn midkii koowaad, balse ay jirtay in la soo qabtay marar badan, laguna soo qabtay gudaha dalka iyo dibadiisa.

Wuxuu tilmaamay ahmiyada ugu wayn ee culimadda ay u shireyso inuu yahay sidii loo wacyi gelin lahaa Bulshada ku nool deeganada Maamulka Jubbaland.

Culimaddan, ayaa markii ay tageen Magaalada Kismaayo, waxaa siyaabo kala duwan ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, kuwaasi oo u dhigay madasha culimadda ay ku shirayaan.

Shirkaan kii ka horeeyay ee culimadda isugu yimaadeen, ayaa waxa uu ka dhacay dalka Koonfur Afrika, halkaasi oo Culimadda ay ku sheegeen inay ka shireen waycigelinta Shacabka Somaliyed.

Advertisement



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip