Taliye ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

0
Thursday January 18, 2018 - 20:24:43 in Wararka by
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

    Sarkaal ka tirsan ciidanka Badda Soomaaliya ayaa maanta Dekeda Muqdisho ku dhex dilay Taliyihiisa oo lagu magacaabayay Jen. Saciid Aadan Dheere (Saciid Mariino).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal ka tirsan ciidanka Badda Soomaaliya ayaa maanta Dekeda Muqdisho ku dhex dilay Taliyihiisa oo lagu magacaabayay Jen. Saciid Aadan Dheere (Saciid Mariino).

Sida ay sheegayaan wararka Taliyaha la dilay ayaa la sheegay in muran uu dhex maray kuxigeenkiisa, kaddibna lagu dhex toogtay Xafiis Taliska Ciidanka Badda ku leeyihiin Dekeda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in muranka uu salka ku hayay lacagaha canshuurta ee laga qaado Gaadiidka Badda ee ku soo xirta Dekeda Muqdisho.

Ciidanka Ammaanka ee Dekeda Muqdisho ayaa xabsiga u taxaabay Sarkaalka dilka geystay, waxaana socda baaritaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Badda ee ciidanka xoogga dalka iyo laamaha ammaanka ee dowladda oo ku saabsan dilka loo geystay Taliyaha ka tirsan qeybaha Talisyada Ciidamada Badda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip