Afhayeenka Wasaaradda amniga oo u hanjabay Warbaahinta

0
Wednesday January 17, 2018 - 20:18:20 in Wararka by
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Wasaaradda amniga oo u hanjabay Warbaahinta

    Afhayeenka Wasaaradda amniga gudahaC/Casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan), ayaa u hanjabay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Wasaaradda amniga gudahaC/Casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan), ayaa u hanjabay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho.

C/Casiis Xildhibaan oo inta badan aanan ka fiirsan hadalada uu ugu goodiyo Suxufiyiinta iyo Bahda Warbaahinta, ayaa markaan wuxuu sheegay in aanan la baahin karin wararka la xiriira Ururka Al Shabaab.

Al Shabaab oo Somaliya ka dagaalanta, ayaa marka loo eego dhanka Saxaafadda waxa ay yihiin ilo wareed la soo xigan karo wararkooda, iyadoo aanan aad loo buun buunin, balse la sheegaayo ficilada qaar ay sameeyaan.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa sheegay in Wararka la xiriira Ururka Al Shabaab Idaacadaha aysan baahin karin, isaga oo ugu goodiyay Suxufiyiinta inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii ay baahiyaan Wararka Shabaab la xiriira.

Hadalkaan ayuu sheegay xilli uu la hadlaayay Warbaahinta, isaga oo u muuqday mid ku jees jeesaya bahda Saxaafadda, uguna goodinaya awooda ah inuu ka mid yahay Wasaaradda amniga dalka.

C/casiis Xildhibaan oo dadka ay si wayn u garanayaan ka hor afhayeenka Wasaaradda amnigana uu si wayn u dhaliili jiray dowladda ceebaheedana soo bandhigi jiray, ayaa kadib magacaabistiisa Afhayeenka Wasaaradda amniga dalka bilaabay handadaada Suxufiyiinta.

 

Qaar ka mid ah Warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho ayaa baahiyay codka Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cali Dheere oo ka hadlaayay khilaafka u dhaxeeyay Abuu Mansuur iyo Shabaab, iyo sababihii keenay isku dhacooda.

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip