Dhageyso:-Wasaaradda Amniga Oo Faah Faahisay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0
Tuesday January 16, 2018 - 22:47:13 in Wararka by
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Wasaaradda Amniga Oo Faah Faahisay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

    Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Warbaahinta faah faahin ka siiyay qarax Barqanimadii Maanta ka dhacay agagaarka Saldhigga Booliiska degmada Warta-Nabada gaar ahaan derbiga Jaamacadda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Warbaahinta faah faahin ka siiyay qarax Barqanimadii Maanta ka dhacay agagaarka Saldhigga Booliiska degmada Warta-Nabada gaar ahaan derbiga Jaamacadda Afrika.

Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banadir,waxana lagu aasay Derbiga Jaamacadda Afrika isla markaana lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in qaraxaas uusan jirin wax khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu u geystay ciidanka iyo waliba Dadka Shacab ah.

Waxa uu sheegay in qaraxaas ay masuul ka ahaayeen Al-Shabaab oo uu sheegay in ay doonayeen in ay ku laayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Audio Player
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip