Sidoo kale waxaa la filayaa in safar dhinaca dhulka ay ku gaaraan Madaxweyne Farmaajo oo uu wehliyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan Cadaado.

Mas’uuliyiin ka socota Beesha Caalamka oo uu ka mid yahay ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa la filayaa inay gaaraan Dhuusamareeb.

Wariyeyaasha ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in la diyaariyay xaruntii uu ka dhici lahaa Munaasabadda lagu dhameystirayo heshiiska labada maamul, waxaa kaloo Madaxda tageysa Dhuusamareeb loo diyaariyay hoy la dejiyo.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa ammaanka sugaya Ciidamada Ahlusuna iyo kuwa ka socda Jabuuti oo qeyb ka ah howl galka AMISOM.