Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobollada Mudug iyo Galguduud

0
Tuesday January 16, 2018 - 09:16:52 in Wararka by
  • Visits: 373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobollada Mudug iyo Galguduud

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Cadaado boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaalia.

Madaxweyne Farmaajo oo loo gudbiyey Xarunta Madaxtooyada magaalada Cadaado ayaa halkaas kula hadlay shacab-weynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, isagoona ku ammaanay wadinayadda iyo rajada wanaagsan ee ay ka qabaan dalka.

"Waxaan ka shaqeynaynaa sidii aan u xoojin lahayn maamulkan, kuna hormarin lahayn deegannada Galmudug, annaga oo u hureyna dadaal kasta oo aan awoodno, idinkana waxaa la idin ka rabaa in aad sii laba laabtaan dadaalkiina." ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa galinkii hore ee maanta waxa uu ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo, iyadoona ay si weyn u soo dhaweyeen shacabka ku nool Saddex Higlo, Bandiiradley, Ceel Akhwaan, Dagaari iyo Gelinsoor kuwaas oo marin u ah jidka dheer ee isku xira Gobollada Mudug iyo Gal-guduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda Dowlad Goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.   ====DHAMMAAD====

 E2I2621
 E2I2611
 E2I2509
 E2I2526
 E2I2484
 E2I2470
 E2I2682
 E2I2284
 E2I2439
 E2I2491
 E2I2639





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip