SAWIRRO: Arrin la yaab leh oo lagu arkay Degmada Howlwadaag

0
Monday January 15, 2018 - 18:02:47 in Wararka by
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Arrin la yaab leh oo lagu arkay Degmada Howlwadaag

    Dadka ku nool Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa saaka la kulmay arin la yaab leh, kadib markii ay ku soo tooseen wadooyinka xaafadaha Hawlwadaag, gaar ahaan kuwa ku dhaw Xarunta Degmada oo yaalla dhawr neef oo ari ah oo la gowracay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka ku nool Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa saaka la kulmay arin la yaab leh, kadib markii ay ku soo tooseen wadooyinka xaafadaha Hawlwadaag, gaar ahaan kuwa ku dhaw Xarunta Degmada oo yaalla dhawr neef oo ari ah oo la gowracay.

Dadka degaanka ayaa arkay in ka badan 6 neef oo Ari ah, kuwaasi oo qoorta inta laga gowracay lagu arkay jidcadyaasha xaafadaha Hawlwadaag.

Waxa ay sheegayaan dadka inaysan garan karin cida gowracday xoolahan ee wadooyinka sidaasi ugu tuurtay, kadibna ka tagtay, iyadoo illaa hadda la iswaydiinaayo cidii arintaan ka dambeysay.

Odayaasha Xaafadda iyo Haweenka ayaa isku soo baxay, kuwaasi oo illaa hadda la fajacsan cida gowracday xoolahaan, kadibna wadooyinka sidaasi uga tagtay.

Dhacdadaan ayaa ah mid naadir ku ah Degmada Hawlwadaag, maadaama dadka aysan horay u arkin arin noocaan oo kale ah oo sidaan xoolaha loogu galay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip